Facebook Twitter Instagram
    Trending
    • Xalka Dhibaato Kasta Oo Timaha Kaa Haysata
    • 10 Waxyaabood ee Sababa Xanaaq, Dabeecad Xumada, iyo Deganaansho La’aanta Caruurta:
    • Waqtiyadee Ayaa Lagula Talinayaa In La Joogteeyo Akhriska Ducadan Si Ay u Noqoto Furaha Guusha?
    • Calaamadda Kaliya Ee Tilmaamaysa In Tarankaagu Halis Ku Jiro (Xitaa Hadii Aad Caafimaad Qabto)
    • Arrintan Cajiibka Ah Waxaad Arkaysa Marka Sokorta Iska Dhaafto oo Kaliya?
    • Labadan waxyaabood hadii aad xasaasiyad ku qabto ka fogow xulbada?
    • Waa Maxay Sirta ka Dambaysa Inay Dadka Qaarkood Da’ Ka Muuqato, Halka Qaar Kale Ay Dhallinyaro Iska Ahaadaan?”
    • Qubayska Biyaha Qabow Subaxdii Wuxuu Si Cajiib Ah U Baddalaa Noloshaada. Ma Rabtaa Inaad Ogaato?
    Facebook Twitter LinkedIn
    Website ka ugu weyn oo laga hadlo arimaha caafimaadka, arimaha bulshada, cilmi nafsiga & koriinshaha caruurta
    Leaderboard Ad
    • Home
    • CAAFIMAADKA
    • CILMI NAFSIGA
    • KORIINSHAHA CARRUURTA
    • FAHAMKA ISLAAMKA
    Website ka ugu weyn oo laga hadlo arimaha caafimaadka, arimaha bulshada, cilmi nafsiga & koriinshaha caruurta
    You are at:Home»CILMI NAFSIGA»Afartan Calaamadood Hadii Aad Leedahay Way Dhimatay Raganimadaadii

    Afartan Calaamadood Hadii Aad Leedahay Way Dhimatay Raganimadaadii

    0
    By Dr Waahin Sabriye on August 27, 2026 CILMI NAFSIGA

    Eebbe uma samayn nolosha in la iska sii noolaado oo kaliya, balse wuxuu u sameeyay in la hiigsado, la dhadhamiyo, oo raad fiican la reebo.

    Nasiib-darro, rag badan ayaa maanta socda, neefsanaya, oo cunto cunaya, balse marka loo fiiriso nuxurka nolosha—dhinac ruuxiyad, maskax, iyo dareen—waxaa la odhan karaa waa “kuwo dhintay” ama noloshu ka dhacay.

    Waxay ku jiraan xaalad aan rasmi ahayn oo ah inay adduunka uun marayaan balse aanay ka dhex muuqan.

    Waxaa jira afar calaamadood oo waaweyn oo marka uu nin leeyahay muujinaya inuu lumiyay macnihiisii raggadnimo iyo kii nololeed labada

    Calaamadda koowaad waxay tahay maralka uu ninku waayo ujeedo uu subaxdii u soo kaco.

    Nin aan lahayn bartilmaameed uu tiigsanayo ama riyo uu raadinaayo wuxuu la mid yahay markab badweyn dhex socda oo aan lahayn meel uu u socdo.

    Dadka nolosha firfircoon ku jira waxay leeyihiin wax kiciya subaxdii, ha noqoto mid diini ah, mid adduunyo, ama mid nolosha ah.

    Laakiin marka uu ninku bilaabo inuu maalintiisa ku qaato bilaa hadaf, isagoo kaliya sugaya inta ay saacaddu dhamaanayso, wuxuu bilaabay inuu si tartiib-tartiib ah u dhinto.

    Nolosha aan hadafka lahayn waxay keentaa in maskaxdu fariisato, hammiguna dhinto.

    Calaamadda labaad oo aad u halis badan waa baqdinta ama ka cararida mas’uuliyadda.

    Raggadnimada nuxurkeeda ugu weyni wuxuu ku jiraa garab-qabadka, u taagnanta reerka, iyo qaadista culeyska bulshada.

    Marka uu ninku noqdo mid mar walba marmarsiinyo raadiya, ee ka carara inuu qaado mas’uuliyadda shaqadiisa, qoyskiisa, ama go’aamadiisa gaarka ah, wuxuu noqonayaa nin curdun ah oo aan korin.

    Mas’uuliyad darradu waxay gubtaa kalsoonidii uu ninku ku qabay ixtiraamka uu ku leeyahay bulshada dhexdeeda iyo naftiisa, iyadoo kaa dhigaysa nin aan la isku halayn karin oo ku jira xaalad fashil ah.

    Calaamadda saddexaad waa nafta oo hal meel joogto dhinaca korriinka iyo horumarka.

    Waxay ka dhalataa marka uu ninku yiraahdo “anigu intan uun baan ahay” oo uu diido inuu wax cusub barto, ama jirkiisa, maskaxdiisa, iyo caafimaadkiisa uu dayaco.

    Ninka joojiyo akhriska, barashada xirfado cusub, samaynta jimicsiga, ama daryeelka naftiisa, wuxuu galay godkii u sababi lahaa dib-u-dhac.

    Maskaxda aan wax cusub la siin waxay bilowdaa in ku daxalaysato fikirro xadidan oo negative ah.

    Marka uu ninku ka tago korriinka naftiisa, wuxuu dhiibay dhammaan fursadihii uu ku noqon lahaa nin heer sare ah oo qiimo leh

    Calaamadda afaraad oo ugu dambeysa xaaladahan waa helitaanka raaxada beeniga ah ama balwadaha dhalanteedka ah.

    Maanta dunidu waxa ka buuxa waxyaabo badan oo dadka siiya qanaaco gaaban sida baraha bulshada oo saacado lagu dhumiyo, ciyaaraha gameska ee xadka dhaafka ab, ama isticmaalka maaddooyinka wax dumoya.

    Marka uu ninku beddelo shaqadii adkayd iyo dadaalkii dhabta ahaa ee guusha lagu gaari lahaa oo uu raadiyo raaxeysi sahal ah oo degdeg ah, wuxuu burburiyaa hab-dhiska niyaddiisa iyo rabitaankiisa dhabta ah.

    Xaaladdan waxay ninka u muujisaa dhalanteed ah inuu wax qabsaday isagoo halkiisii uun fadhiya.

    Afartan dabeecadood marka ay ninka iskugu tagaan, waxay gebi ahaanba buburiyaan ama dhinta dareenkiisii raganimo iyo kalsoonidiisa.

    Wuxuu noqonayaa qof socda balse gudaha ka dhintay—kaas oo aan lahayn hiigsi, aan lahayn kalsooni, oo aan taageero u noqon karin dadka kale.

    Waa sababta loogu tilmaamo in ninka noocan ahi nin dhintay dhinaca ruyxda iyo maskaxda labadaba, iyada oo jirkiisu uun uu nool yahay.

    Si taa loo beddelo, waxaa lagama maarmaan ah in ninku goaansado halka uu wax ka qabanaayo oo uu si degdeg ah u bilaabo hab-dhaqan cusub.

    Si kastaba ha ahaatee, wada-hadalku halkaas ku koobnaan maayo, sababtoo ah mar walba waxaa jira waddo dib loo soo kabsan karo oo nolosha cusub lagu abuuri karo.

    Ka badbaadida dabinadan waxay u baahan tahay in laga bilaabo tillaabooyin yaryar balse joogto ah oo dib loogu dhiso awoodda gudaha iyo kalsoonida nafta.

    Ninku marka uu garto inuu ku jiro xaalad fashil ah, fursad ayaa u taallaa uu kaga baxo, isagoo dib u qaabaynta noloshiisa sidoo kalana bixinaya dadaal dhab ah.

    Wadada u Laabadasha Nolosha iyo Raggadnimada

    Ka bixitaanka xaaladdan “dhimashada dhalanteedka ah” waxay ku bilaabataa hal go’aan: in dib loo nooleeyo dareenka iyo hammiga.

    Ninku waa inuu marka hore la fariisto naftiisa, oo uu qorto ugu dambayn hal hadaf oo uu rabo inuu gaaro sannadkan.

    Waxaa muhiim ah inuu bilaabo jimicsi jirkiisa noolaynaya, maskaxdiisana uu ka buuxiyo aqoon cusub akhriyo ama dhagaysto ama daawado iyo waxyaabo dhiirigelinaya.

    Mas’uuliyadaha waa inuu mid-mid u qaado—hadday ahaan lahayd mid shakhsi, mid reer, ama mid shaqo—sababtoo ah mas’uuliyadu waa ta dhista adkaysiga ninka.

    Marka uu ninku ka baxo aagga raaxada beeniga ah comfort zone, oo uu wajaho caqabadaha dhabta ah ee nolosha, wuxuu dib u helayaa noloshiisii dhabta ahayd, isagoo ka mid noqonaya ragga nool ee raadka fiican ku reeba adduunka.

    Dr Waahin Sabriye

    Whatsapp Number +252615963796

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Dr Waahin Sabriye
    • Website

    Related Posts

    Maxay Tahay Shaqada Qarsoon ee Dadka Qurbaha Lacagta Ka Sameeyay Ay Qabtaan Iyadoo Aan Shahaado Weyn Loo Baahnayn?

    Sidee Ku Ogaan Kartaa Gabadha Aan Muddo Samayn Xiriir Hoose Ah

    Habka Aad Ku Fahmi Karto Dabeecadda Dhabta Ah Qofka Adigoo Eegaya 3 Calaamadood oo Kaliya?

    Leave A Reply Cancel Reply

    • Popular
    • Recent
    • Top Reviews
    January 10, 2026

    24 Saac Kadib! Maxaa Ku Dhacaya Jirkaaga Haddii Aad Joojiso Sonkorta? (Layaabka Qarniga)

    January 10, 2026

    4 Caado ee Habeenkii aad Samayso oo Burburinaya Maskaxdaada iyo Hormoonnadaada adiga oo aan Ogayn”

    January 24, 2026

    Ha Cabin Biyaha Waqtiyadan: Waa khatar

    September 7, 2026

    Xalka Dhibaato Kasta Oo Timaha Kaa Haysata

    September 7, 2026

    10 Waxyaabood ee Sababa Xanaaq, Dabeecad Xumada, iyo Deganaansho La’aanta Caruurta:

    September 4, 2026

    Waqtiyadee Ayaa Lagula Talinayaa In La Joogteeyo Akhriska Ducadan Si Ay u Noqoto Furaha Guusha?

    Latest Reviews
    Copyright © 2026 Dabiib. Developed by Finalskills.
    • Home
    • CAAFIMAADKA
    • CILMI NAFSIGA

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.