Labadan waxyaabood haddii aad xasaasiyad ku qabto inaad Xulbada ka fogaato waa muhiim :
Lowska iyo digirta noocyadeeda kala duwan. Maadaama xulbadu ay ka tirsan tahay qoyska ay ka soo jeedaan lowska iyo digirtu, jirkaaga ayaa si dhib yar ugu khaldami kara
Marka qofku uu xasaasiyad ku qabo Lowska, jirkiisa iyo hab-dhiska ka-hortagga cudurrada (immune system) waxay u qaataan in borotiinka lowska uu yahay wax khatar ku ah jirka.
Xulbadu waxay leedahay borotiinno qaabdhismeedkoodu aad ugu dhow yahay kan lowska.
Tani waxay dhalisaa xaalad loo yaqaano cross-reactivity, oo ah in jirku uu xulbada u arko sida iyadoo lowskii uu ka cabsanaayay uu jirka soo galay, taas oo keenta inuu isla markiiba bilaabo weerar iyo xasaasiyad.
Si intaas la mid ah, Digirta iyo Sisinta noocyadeeda kala duwan waxay wadaagaan unugyo borotiin oo isku mid ah.
Hadduu qofku xasaasiyad ku leeyahay digirta, fursada uu xulbadana xasaasiyad ugu noqonayo waay badan tahay.
Arrinran waxay keenaysaa in qofku marka uu xulbada uu cuno uu la soo baxo jawaab-celin degdeg ah oo dhanka xasaasiyada ah.
Jawaab-celinta xasaasiyada ee xulbadu marka ay jirka gasho waxay ka samaysmi kara calaamado kala duwan oo maqaarka ama neefsashada ah.
Qofka xasaasiyada leh waxaa ku soo baxi kara Madow ama Finan oo maqaarka lagu arko, cuncun xad-dhaaf ah, iyo barar ka soo baxa faraha, bushimaha, ama wajiga.
Tani waxay muujinaysaa in hab-dhiska jirku uu isla markiiba xulbada diubsanaayo
Dhibaatada kale ee ka dhalan karta waa mid saamaysa hab-dhiska neefsashada.
Qofka marka uu xulbada isticmaalo wuxuu dareemi karaa Cabur, Huuf joogto ah, Iyo Neef-qabad.
Xasaasiyada xulbada waxay adkayn karaan hawada gasha sanbabada, iyadoo taasi keeni karta in pneumonia ama neefta uu qofku ku dhibtoodo, gaar ahaan dadka horey neefta asthma u lahaa.
Dheefshiidka ayaa iyana ah meelaha ay xasaasiyadani si daran u saamayso.
Qofka xulbada cuna isagoo lowska ama digirta xasaasiyad ku qaba wuxuu la kulmi karaa Calool-xanuun, Dibira, Labalabo, Daaco ama Matag.
Jirku wuxuu isku dayaa inuu hab-dhiska dheefshiidka si dhakhso ah uga saaro borotiinkaas oo uu u arko sunta, taas oo keenaysa in dibiryo ama shuban.
Dhibaatada ugu xun ee xasaasiyada xulbadu leedahay waa xaalada loo yaqaano Anaphylaxis.
Tani waa xasaasiyad keenaysa in dhiiggu hoos u dhaco, cunaha ama jirka oo dhan uu bararo, iyo qofka oo miyirka beela.
Haddii qof xasaasiyad ku qaba lowska ama digirta uu isticmaalo ama cuno xulbada, xaaladdan ayaa dhici karta oo u baahan gurmad dhanka dhakhaatiirta ah si degdeg ah.
Ugu dambayntii, marka aad og tahay inaad xasaasiyad ku leedahay lowska ama digirta, waxaa lagama maarmaan ah in aad si buuxda uga fogaato xulbada iyo dhammaan cuntada ay ku jirto.
Dr Waahin Sabriye +252615963796

