Marka aad si tartiib-tartiib ah uga tanaasusho ama aad u yarayso isticmaalka sokorta, jirkaagu wuxuu galaa geeddi-socod cajiib ah oo lagu baabi’inayo tiirsanaanta maaddadaas, iyadoo xubnaha gudaha ay bilaabi doonaan inay dib u soo kabsadaan oo ay dib u habeeyaan hab-dhiska tamarta iyo dheefshiidka.
Isbeddelkan wuxuu unugyada jirka ka dulqaadaa culayskii iyo bararkii ay sokortu sababi jirtay, wuxuuna bilaabaa inuu jirka si dabiici ah uga nadiifiyo sunta.
Maalmaha ugu horreeya ee aad yarayso sokorta, waxaa laga yaabaa inaad dareento rabitaan daran oo ku saabsan cuntooyinka macaan. Sababtoo ah caloosha ama maskaxdaada ayaa caadaysatay maaddada Dopamine ee sokortu keeni jirtay.
Sidoo kale, isbeddelka ugu horreeya ee muuqda wuxuu ka dhacaa heerka sonkorta dhiigga iyo hormoonka Insulin. Markaad sokor cunto, sonkorta dhiigga waxay kor u kacdaa si degdeg ah kaddibna si dhakhso ah ayay hoos u dhacdaa, taas oo sababta daal, caajis iyo tamar-yari.
Marka aad sokorta ka tanaasusho, heerka sonkorta dhiiggu wuxuu noqdaa mid dheelitiran, Taasina waxay ku siinaysaa tamar joogto ah maalintii oo dhan adigoon dareemin caajis ama daal. Quruxda jirkaaga iyo maqaarkaagu waxay bilaabaan inay si cajiib ah u dhalaalaan oo ay cusboonaadaan.
Sokorta cad waxay dhiigga ku dhex samaysaa wax loo yaqaan Glycation, oo ah marka sonkortu ay ku dhegto borotiinnada maqaarka sida Collagen iyo Elastin. Markaad sokorta yarayso, kollajiinku wuxuu dib u helaa awooddiisii dabiiciga ahayd, taas oo hoos u dhigaysa laalaabka, yaraynaysa furruroca ama finaanma (acne), maqaarkana siisa qurux, iftiin iyo dhalaal dabiici ah.
Cayilka iyo baruurta ku ururta caloosha ama kelyaha gudaheeda ayaa bilaaba inay si tartiib ah u ciribtirmaan. Sokorta cad ee xad-dhaafka ah waxaa beerku u beddelaa baruur, iyadoo keenta xaaladda loo yaqaan (Fatty Liver).
Markaad joojiso sokorta, beerkaaga wuxuu helayaa Fursad uu ku gubo baruurtaas kaydsan, wuxuuna bilaabaa inuu caloosha weyn ama miisaanka dheeraadka ah si toos ah u dhimmo sababtoo ah jirku wuxuu awood u helayaa inuu baruurta u adeegsado tamar ahaan.
Caafimaadka wadnaha iyo cadaadiska dhiigga ayaa iyana helaya awood iyo nafis badan.
Sokorta badan waxay kordhisaa cadaadiska dhiigga, arkaad si tartiib ah uga tanaasusho sokorta cad, cadaadiska dhiiggaagu wuxuu u soo dhacaa heer dabiici ah, halista xanuunnada wadnaha ama stroke-ka ama dhiig-furanka dhuuxa ku dhacaana waxay hoos u dhacaa 80%.
Hab-dhiska dheefshiidka iyo caafimaadka xiidmaha ayaa gebi ahaanba isbeddela. Bakteeriyada xun ee ku dhex meeryata xiidmaha (gut microbiome) waxay si toos ah ugu nooshahay sokorta cad.
Marka aad jarto cuntooyinka sokorta leh, bakteeriyadii wanaagsanayd ee caawinaysay dheefshiidka ayaa soobaxda, taas oo baabi’isa dibirada, gaaska, ama calool-fadhiga iyadoo wanaajisa sida jirku uga faa’iidaysto nafaqada cuntooyinka kale.
Ugu dambayntii, tayada hurdadaada iyo muudkaaga (xaaladda dhiirrigelinta iyo dhimirka) ayaa gaara heer sarreeya 100%.
Maadaama heerka sonkorta dhiiggu uu dheelitiran yahay, jirku wuxuu helayaa hurdo raaxo iyo caafimaad leh (deep sleep).
Waxaad soo toosi doontaa adigoo firfircoon, maskaxdaadu ay wxa kasta si cad u fahamto, adigoo ka fogaaday walwalkii iyo isbadbadalkii muudka ee ay sokortu sababi jirtay.
Dr Waahin Sabriye +252615963796

