Waa Maxay Sirta ka Dambaysa Inay Dadka Qaarkood Da’ Ka Muuqato, Halka Qaar Kale Ay Dhallinyaro Iska Ahaadaan?”
Adduunka maanta aan ku noolnahay, waxaad arkaysaa dad da’doodu ay tahay sodomeeyo ama afartameeyo jir, laakiin u muuqda kuwo da’doodu ka weyn, iyagoo wajigoodu leeyahay laalaab, maqaarkooduna uu engegan yahay.
Dhanka kalena, waxaa jira dad da’doodu wayn tahay oo weli soo jiidasho leh, firfircoon, oo maqaarkoodu dhalaalayo.
Sirtu maaha mid nasiib ah, ee waa maalinle ah oo ka dhacda gudaha unugyadaada.
Aan si fudud u eegno qaabka ay unugyada jirkaagu u soo noolaadaan ama u dhintaan.
Jirka waxaa ku jira malaayiin unug oo maalin kasta kala qaybsama si ay u beddelaan kuwii duugoobay.
Qaybtan unugyada waxaa xukuma qayb yaryar oo ku dhex jirta unugga dhexdiisa oo loo yaqaan Telomeres, kuwaas oo u shaqeeya sida saacadda cimriga.
Markasta oo unuggu qaybsamo, qaybtii Telomere-ta ahayd way soo gaabataa.
Ka fikir inaad leedahay xarig ama dunta kabaha oo leh caagag yar oo labada daraf kaga jira si uusan xariggu u furfurmin.
Haddii aad caagaggaas si tartiib ah u googooyso, xariggu wuu kala baxayaa oo dhakhso ayuu u furfurmayaa.
Telomeres-ku waa sida caagaggaas oo kale; markay dhammaadaan, unuggu wuu dhintaa ama wuu gaboobaa.
Muxuu yahay waxa soo dedejiya burburka ama inuu soo gaabto Telomeres-kan?
Labada shay ee ugu waaweyn ee dilaya unugyada waa stresska (chronic stress) iyo cunista sokorta xad-dhaafka ah.
Marka jirkaagu uu ku jiro xaalad stress joogto ah, waxaa dhiiggaaga ku qulqulaya kiimikooyin burburiya unugyada caafimaadka qaba, iyagoo ka dhigaya inay dhakhso u gaboobaan.
Dhibaatadu waxay tahay in dad badani ay u haystaan in gabowgu yahay mid dabiici ah oo keliya oo ku xiran sanadaha qofka, laakiin cilmiga wuxuu caddeeyay in 70% gabowga degdeg ah uu yahay mid ka dhasha caadooyinka aan nolosha ka beddelno, sida hurdada oo xumaata, cuntooyinka xun, iyo walwalka aan la maamulin.
Xalka lagu ilaalin karo dhallinyaranimadaada iyo caafimaadka unugyadaadu waa mid fudud.
Waxay ku bilaabaneysaa inaad joojiso sokorta, aad cuntid cuntooyin hodan ku ah anti-oxidants (sida khudaarta), isla markaana aad baratid habab aad u nasato oo aad ku dejiso maskaxdaada, sida qaadashada degan ama jimicsiga.
Dhibaatadan oo dedejisa gabowga unugyada iyo dhimashada degdegga ah ee maqaarka iyo xubnaha jidhka waa Gabowga Unugyada iyo Burburka Telomeres-ka (Cellular Aging & Telomere Shortening).
Markaad daryeesho maskaxdaada iyo cuntadaada, waxaad dib u dhigaysaa gabowga, waxaanay noloshaada ka dhigaysaa mid leh dhalaal iyo firfircooni iyo inaad u ekaato qof da’diisa aad uga yar 10 sano.
Dr Waahin Sabriye +252615963796

