Habka Aad Ku Fahmi Karto Dabeecadda Dhabta Ah Qofka Adigoo Eegaya 3 Calaamadood oo Kaliya?
Waa mowduuc aad u xiiso badan oo taabanaya nolosheenna maanta.
Fahamka dabeecadda dhabta ah ee qofka ma aha wax u baahan xeeldheeri ama shahaado cilmi-nafsiga ah, balse waa wax lagu ogaan karo u kuurgelinta hab-dhaqannada yaryar oo uu qofku sameeyo marka uu u maleynayo inaan cidna si gaar ah ula socon
1. Habka uu ula dhaqmo dadka ka hooseeya ama aan dani ugu jirin
Qeybta ugu horreysa ee aad ku ogaan karto dabeecadda hoose ee qofka waa sida uu ula dhaqmo dadka ka hooseeya ama aan lahayn wax awood ah oo ay kaga jawaabaan dhaqankiisa.
Waxaad eegtaa sida uu ula hadlo adeegayaasha maqaayadaha, darawallada, ama dadka kafeega ka shaqeeya.
Qofka gudaha ka wanaagsan wuxuu dadkaas u muujiyaa ixtiraam iyo naxariis, halka qofka gudaha ka xun uu inta badan u dhaqmo si kibir iyo ixtiraam-darro ah sababtoo ah wuxuu aaminsan yahay inaan dadkaas wax dan ah uusan ka lahayn.
Dadka uu danta ka leeyahay waa amaanaa wuu isu jilciyaa wuxuuna iska dhigaa qofka ugu wanaagsan marka uu dadkaas la joogo balse marka uu arko qof aanu dan ka lahayn wuu iskibriyaa, wuu qayliyaa wuxuuna ula dhaqmaa si aad u xun
2. Fal-celintiisa marka ay arrimuhu u dhaci waayaan sida uu rabo
Calaamadda labaad ee muhiimka ah waa sida uu qofku uga jawaabo marka ay wax xumaadaan ama ay la soo gudboonaato xaalad adag.
Qof kasta wuxuu noqon karaa mid wanaagsan marka wax walba si sax ah u socdaan, laakiin dabeecadda dhabta ah waxay soo baxdaa marka uu jiro cadaadis, dib-u-dhac, ama dhibaato.
Fiiri bal in uu leeyahay dulqaad iyo xakameynta carada, mise wuxuu isla markiiba bilaabaa in uu eedda dusha u saaro dadka kale kuna kaco aflagaadi, eedayn iyo dadka kale inuu dambiilayaal ka dhigo. Hadii uu sidan yahay waxba qofkaas kuma dhex jiraan waa qolof dhar loo xiray
3. Sida uu kaga fal-celiyo guusha iyo farxadda dadka kale
Calaamadda saddexaad ee ugu dambeysa waa habka uu u eego guusha dadka kale.
Marka uu joogo qof saaxiib ah oo guul gaaray, ma ku farxaa iyadoo aanay ku jirin maseer ama xasad?
Qofka dabeecadda wanaagsan wuxuu si dhab ah uga farxaa guusha walaalkiis ama saaxiibkiis, wuxuuna muujiyaa taageero dhab ah.
Halka qofka gudaha ka xun ama maseerka badan uu isku dayo in uu hoos u dhigo guushaas ama uu muujiyo xanaaq iyo xaasidnimo qarsoon.
Gunaanad: Furaha Akhrinta Qofka
Isku soo duubduub oo inta badan dadku waxay xirtaan maaskaro ama waji ay isku qariyaan marka ay bulshada dhex joogaan, laakiin saddexdan calaamadood waxay noqon karaan imtixaanka lagu soo saaro qofka waxa uu si dhab ah u yahay.
U kuurgelinta hab-dhaqanka qofka ee dhinacyadan waxay kaa caawinaysaa in aad samaysato fikrad dhab ah oo ku saabsan cidda uu yahay.
Waa hab fudud oo lagaga badbaado in aad ku dhacdo dabinka quruxda ama hadallada macaanan oo ay dadku noocan ah isticmaalaan

