Calaamadaha lagu garto gabadha muddo dheer aan yeelan xiriir hoose
Halbeegyadan waxay noqon karaan hab-dhaqanka, luqadda jirka, iyo xaaladda shaqo ama maskaxeed ee gabadha.
Qaybta 1-aad: Isbeddelka Dhaqanka iyo Isku-kalsoonaanta
Qofka marka uu muddo dheer ka fogaado xiriirka hoose, waxaa ugu horreeya ee is beddela waa habka uu dadka kale ula dhaqmo.
Waxaa laga yaabaa inay aad u yarayso sheekada ku saabsan mawduucyada nolosha gaarka ah la xiriira ama iyadu aad uga fogaato meelaha lagu hayo hadallada ku saabsan xiriirrada.
Sidoo kale, waxaa lagu arki karaa xishood badan ama cabsi inay ka qabto inay dadka kale aad uga dhowaadaan, sababtoo ah ma caadeysan xiriir dhow ama ma arag qof usoo dhawaada waayadan.
Qaybta 2-aad: Xasaasiyadda Dhanka Taabashada (Body Language)
Luqadda jirka ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee wax kasta kashifa.
Gabadha muddo dheer aan xiriir la samayn dadka kale, markaad u soo dhowaato, ama gacanta u taagto waxaa dhici karta inay si kedis ah noqoto, ama ay isla markiiba gacanta kaa laabato.
Taabasho kasta oo fudud waxay u noqon kartaa mid ku culus ama ay ka naxdo, sababtoo ah jirkeedu ma hayo ma yaqaan taabashada iyo isu soo dhawaansho labadaba.
Qaybta 3-aad: Walwalka iyo Walbahaarka Fudud (Stress Levels)
Guddaha jirka gabadha waxaa ku jira hormoonno yareeya walbahaarka marka uu jiro xiriir dhow.
Marka uu ka maqan yahay xiriirkaas muddo dheer, waxaa dhici karta inay aad u culus yahay hab-dhaqankeeda ama ay si fudud uga xanaaqdo waxyaabo yaryar.
Waxay muujin kartaa xanaaq gudaha ah (internal restlessness), taas oo ka dhalata iyada oo jirkeeda iyo maskaxdeeduba culees saaran yihiin, wx kasta ayaana ku culus gabadha
Qaybta 4-aad: Diirranta iyo Xoogga oo Lagu Bixiyo Waxyaabo Kale
Aad ayay u badan tahay inay qofka noocan ah awoodeeda ama maskaxdeeda oo dhan ku bixiso shaqo, waxbarasho, ama hiwaayad cusub.
Markay jirto baahi aan la daboolin oo dareen ah ama jir ahaan ah maskaxdu waxay isticmaashaa hab loo yaqano “sublimation” – taas oo ah in awoooddii ama fikirkiitii oo dhan loo leexiyo guul dhanka shaqada ama qorshayaal kale si gabadhu ay u ilowdo baahiyaheeda gaarka ah.
Qaybta 5-aad: Rabitaanka Qarsoon ama Ka-fogaanshaha Mawduuca
Marka lagu jiro sheekooyinka bulshada, qofka waxaa ku dhici kara labo waxyaabood oo kala duwan: ama inay aad uga cararto sheeko kasta oo ku saabsan nolosha iyo xiriirada iyadoo is ilaalisa ama u aragta inay tahay wax aan habboonayn, ama iyadoo si aan ulakac ahayn u muujisa xiiso aad u sarreeya ama su’aalo badan ka weydiisa waxyaabo kale iyada oo rabta inay sheemada dhanka kale u rogto, mawduucana kaa jeedisa
Qaybta 6-aad: Habka Hurdada iyo Firfircoonida Jirka
Xiriirka dhow oo lala yeesho gabadha wuxuu caawiyaa in jirku soo daayo hormoonka oxytocin iyo endorphins, kuwaas oo oo dejiya maskaxda gabadhana siiyo hurdo tayo leh.
Gabadha muddo dheer aan yeelan xiriir noocaas ah, waxaa dhici karta inay kala dhantaallan tahay hurdadeedu, ama ay adag tahay inay dhaqsiyo ku seexato.
Taasi waxay la xiriirtaa nidaamka dareenka jirka (nervous system) oo aan helin, gabadha dhafarkeedu badan yahay waxaa xaqiiq ah, in xiriirka ay hadda ky jirto uu yahay mid aan fadhin aydna qanaaco ka dareemayn
Qaybta 7-aad: ka fogaanshaha Caadifadeed (Emotional Distance)
Qofka noocan ah wuxuu leeyahay derbi ama gidaar difaac oo adag (emotional walls). Waxay wejiga ka leexisaa xiriirrada cusub iyadoo ka cabsanaysa in nolosheeda wax ka beddelo ama ay gasho meel cusub oo aysan hore u baranin.
Waxay u muuqan kartaa mid iskeed u taagan oo madaxbannaan (overly independent), sababtoo ah waxay bartay inay keligeed maarayso dareenkeeda iyo nolosheeda oo dhan.
Qaybta 8-aad: Gebogebo iyo Nuxurka Mawduuca
Soo koobidda nuxurka qoraalkan oo dhan: Waa kuwan hababka iyo calaamadaha lagu garto haweenayda muddo dheer aan samayn xiriir hoose.
Waa in la ogaadaa in calaamadahan aysan ahayn kuwo 100% dadka oo dhan si isku mid ah u saameeya, sababtoo ah qof kasta wuxuu leeyahay hab uu u maareeyo caadifaddiisa iyo baahiyihiisa jirka, balse marka dhinacyadaas kor ku xusan ay ku wadajiraan, waxay si cad u muujinayaan in qoftaasi aysan samayn wax xiriir hoose ah muddo dheer.
Dr Waahin Sabriye +252615963796

