Ma Rabtaa In Aad Ka Maarmato Makeup-ka oo Aad hesho Weji Leh Qurux iyo Iftiin Dabiici Ah?
1. Cabidda biyaha badan ayaa ah tallaabada ugu horeysa ee maqaarka ka dhigta mid caafimaad qaba oo dhalaalaya.
Biyuhu waxay jirka ka saaraan sunta iyadoo maqaarka ka ilaalinaysa inay ku dhacdo qalayl ama ingag.
Cabista biyaha ku filan 2 litir maalintii waxay unugyada maqaarka u yeeshaa qurux iyo dabacsanaan dabiici ah, taas oo ka dhigaysa wejiga mid mar walba ifaya oo aan u baahnayn in wax macmal ah la mariyo.
2. Nafaqada iyo cuntooyinka qani ku ah fitamiinada waxay si toos ah uga muuqdaan muuqaalka wejiga. Cuntada leh fitamiin C, fitamiin E, iyo maaddooyinka maqaarka ilaaliya (antioxidants) oo lagu helo khudaarta fresh-ka ah waxay maqaarka ka dhowraan inuu dhaqso da’du ka muuqato ama u finan yeeshi. Cunto caafimaad leh oo maalin kasta la cuno waxay maqaarka siisaa guud ahaan iftiin dabiici ah oo aan makeup u baahneen.
3. Hurdo ku filan oo la helo habeen kasta waxay siisaa maqaarka fursad uu ku cusboonaysiiyo unugyadiisa.
Waqtiga hurdada, jirku wuxuu soo daayaa hormoonno ka caawiya maqaarka inuu iskiis isu hagaajiyo.
Haddii qofku helo hurdo ku filan ugu yaraan 7 saacadood oo hurdo ah habeen kasta, waxaa hoos u dhacaya madowga wejiga hoose iyo daalka ka muuqda indhaha labadaba
4. Hadafka nadaafadda joogtada ah iyo dhaqida wejiga subaxdii iyo habeenkii waxay ka ciribtirtaa wasakhda iyo saliidda xad-dhaafka ah ee ku ururta godadka yar-yar ee maqaarka.
Isticmaalka saabuun dabacsan oo ku haboon nooca maqaarkaaga waxay ka hortagtaa finanka iyo dhibcaha madowga ah, iyadoo maqaarka siinaysa muuqaal liishe ah oo aad u nadiif ah.
5. Saliidaha iyo kareemada dabiiciga ah oo loo adeegsado qoynta maqaarka (moisturizing) waxay dhisaan lakabka sare ee wejiga.
Xataa maqaarka saliida ku badan tahay wuxuu u baahan yahay qoyaan dabiici ah si uu jirku u joojiyo soo saarista saliidda xad-dhaafka ah.
Isticmaalka waxyaabaha dabiiciga ah sida Saliida Coconut Qumbaha waxay maqaarka u siiyaan jileec, dabacsanaan iyo iftiin cajiib ah.
6. Dhoolacaddaynta, iyo ka fogaanshaha stress-ka waxay waji- ka dhigtaa mid dhalaala oo soo jiidasho leh.
Nuuc kasta oo maqaar ah oo aad leedahay, naxariista iyo farxada ka soo go’da gudaha waxay wejiga u yeeshaa awood iyo soo jiidasho gaar ah oo aan wax makeup ah laga heli karin, madaama maskaxda degan ay soo daayso hormoonno iftiimiya muuqaalka guud ee jirka gaar ahaan maqaarka iyo wajiga
8. Ugu dambayntii, habka ugu muhiimsan ee ugu dambeeya oo aad ku heli karto muuqaal dhalaalaya oo aad toos uga maarmeyso adeegsiga waxyaabaha qurxinta loo isticmaalo waa Daryeelka Dabiiciga ah ee Maqaarka (Natural Skincare & Healthy Lifestyle). Marka aad isku darto biyaha, nafaqada, hurdada, nadaafadda, iyo deganaanshaha, waxaad helaysaa weji ifaya, liishe ah, dabiici ah oo ku siiya kalsooni buuxda oo aadan weligaa ugu baahnayn inaad adeegsato Makeup iyo waxyaabaha la midka ah.
Dr Waahin Sabriye +252615963796

