Facebook Twitter Instagram
    Trending
    • Xalka Dhibaato Kasta Oo Timaha Kaa Haysata
    • 10 Waxyaabood ee Sababa Xanaaq, Dabeecad Xumada, iyo Deganaansho La’aanta Caruurta:
    • Waqtiyadee Ayaa Lagula Talinayaa In La Joogteeyo Akhriska Ducadan Si Ay u Noqoto Furaha Guusha?
    • Calaamadda Kaliya Ee Tilmaamaysa In Tarankaagu Halis Ku Jiro (Xitaa Hadii Aad Caafimaad Qabto)
    • Arrintan Cajiibka Ah Waxaad Arkaysa Marka Sokorta Iska Dhaafto oo Kaliya?
    • Labadan waxyaabood hadii aad xasaasiyad ku qabto ka fogow xulbada?
    • Waa Maxay Sirta ka Dambaysa Inay Dadka Qaarkood Da’ Ka Muuqato, Halka Qaar Kale Ay Dhallinyaro Iska Ahaadaan?”
    • Qubayska Biyaha Qabow Subaxdii Wuxuu Si Cajiib Ah U Baddalaa Noloshaada. Ma Rabtaa Inaad Ogaato?
    Facebook Twitter LinkedIn
    Website ka ugu weyn oo laga hadlo arimaha caafimaadka, arimaha bulshada, cilmi nafsiga & koriinshaha caruurta
    Leaderboard Ad
    • Home
    • CAAFIMAADKA
    • CILMI NAFSIGA
    • KORIINSHAHA CARRUURTA
    • FAHAMKA ISLAAMKA
    Website ka ugu weyn oo laga hadlo arimaha caafimaadka, arimaha bulshada, cilmi nafsiga & koriinshaha caruurta
    You are at:Home»CAAFIMAADKA»Sidee Loo Xoojiyaa Socodka Dhiigga ee Xubnaha Hoose Iyadoo Aan La Adeegsan Dawooyin Kimiko Ah?

    Sidee Loo Xoojiyaa Socodka Dhiigga ee Xubnaha Hoose Iyadoo Aan La Adeegsan Dawooyin Kimiko Ah?

    0
    By Dr Waahin Sabriye on August 30, 2026 CAAFIMAADKA

    Sidee loo xoojiyaa socodka dhiigga ee xubnaha hoose iyadoo aan la adeegsan dawooyin kimiko ah?

    Soo bixinta dhiigga oo si habsami leh uga dhex shaqeeya qaybaha hoose ee jirka waa meelaha ugu muhiimsan ee caafimaadka guud laga xoojiyo.

    Dhiiggu wuxuu lugaha iyo cagaha u sidaa hawo nadiif ah oo loo yaqaan oksijiin iyo nafaqooyinkii jirku ku noolaan lahaa, halka uu sidoo kale ka soo qaado wixii qashin ama sun ah ee meeshaas ku ururtay.

    Marka uu dhiiggu si fiican u wareegi waayo, qofku wuxuu dareemaa inay luguhu daalaan, jilbaha ama cagahiisu bararaan, ama ay luguhu kaboobyoodaan oo qabow noqdaan.

    Si arrintan looga hortago ama loo hagaajiyo, waxaa jira habab badan oo dabiici ah oo fudud oo guri kasta lagu samayn karo.

    Waddada ugu horeysa ee arrintan lagu bilaabi karo waa dhaqdhaqaaqa lugaha iyada oo la adeegsanayo jimicsi fudud oo maalinle ah.

    Socodka caadiga ah waa dawo dabiici ah oo aad u xoog badan, sababtoo ah marka aad socoto, cajarada ama muruqyada ayaa si adag u tuura dhiigga iyaga oo mar kasta keenaya inay dhiigga hoose soo aado dhanka wadnaha.

    Muruqyada lugaha ku yaalla waxaa loo yaqaan “wadnaha labaad” ee jirka, sababtoo ah waxay leeyihiin awood weyn oo ay dhiigga hoose oo dhan kor ugu tuuraan marka uu qofku socdo ama mararka aad faraha cagaha ku istaago.

    Hab kale oo aad u fudud oo dhiigga hoose dib loogu celiyo wadnaha waa iyada oo lugaha kor loo qaadayo.

    Marka uu qofku fadhiyo ama jiifo, wuxuu lugaha ama cagaha ka sarraysiin karaa wadnihiisa, sida iyada oo barkimo jilbaha la hoos dhigo ama lugaha lagu saaro darbiga.

    Tani waxay sahal ka dhigaysaa in dhiigga ururay ama hoos u dhacay uu si fudud dib ugu soo laabto dhanka wadnaha iyo sambabada, taas oo yareyneysa bararka lugaha.

    Biyaha iyo isticmaalkooda ayaa iyaguna door aad u weyn ka ciyaara nidaaminta socodka dhiigga.

    Cabista biyo kugu filan 2 litir biyo ah maalin kasta waxay ka hortagtaa in dhiiggu adkaado ama uu noqdo mid culus oo si dhib leh u mara xididdada.

    Sidoo kale, in la isticmaalo biyaha kulul ama kuwa qabow marka la qubanayo ama cagaha la dhaqayo ayaa kicisa xididdada dhiigga.

    Biyaha kulul waxay furaan oo weyneeyaan xididdada dhiigga iyaga oo u oggolaanaya dhiig badani in uu maro, halka biyaha qabow ay yareeyaan ama culeyska ka qaadaan xididdada; isu beddelka labadan ayaa si toos ah u tababara xididdada inay si fiican u tuuraan dhiigga.

    Muruqyada iyo jirka oo la fidiyo iyada oo la samaynayo stretchings ama exercise waxay baabi’isaa culeyska ama cadaadiska ku jira xididdada.

    Fadhiga dheer ama taagnaanta waqti dheer waxay keentaa in xididdada dhiiggu ay ciriiri noqdaan sababtoo ah muruqyada ayaa adkaanaya.

    Marka uu qofku joogteeyo in uu lugaha rog-rogo, ama faraha cagaha hore uu fidiyo, wuxuu furayaa meelihii ciriiriga ahaa wuxuuna siinayaa dhiigga meel uu si dabiici ah oo xor ah ugu maro.

    Xirashada dharka aadka u adag, gaar ahaan kuwa ku dhaggan dhexda, bowdyaha, ama xubnaha taranka, waxay u hoos u dhigtaa dhiigga siduu u gaari lahaa xididdada hoose.

    Dharka dabacsan waxay ka dhigayaan in dhiiggu u socdo sidii loogu talagalay. Sidoo kale, duugista ama masaajka fudud ee laga soo bilaabo cagaha waxay kiciyaan wareegga dhiigga waxayna ka saaraan meesha sunta iyo jeermiska ururay.

    Cuntada la cuno waxay saamayn toos ah ku leedahay sida dhiiggu u socdo.

    Cuntooyinka ka buuxaan maadooyinka anti-oxidants sida, basasha, tuunta, liinta, cambaha, iyo sinjibiisha waxay caawiyaan in xididdada dhiiggu noqdaan kuwa meel kasta si fudud ku gaara.

    Sidoo kale, yareynta milixda ama cusbada xad-dhaafka ah waxay ka hortagtaa  bararka lugaha iyo culeyska xididdada dhiigga.

    Magaca ahaan hababkan iyo talooyinkan lagula tacaalo waxaa loo yaqaanaa xoojinta wareegga dhiigga ee lugaha ama xubnaha hoose (Lower Limb Circulation Enhancement).

    Marka la soo koobo, adigoo adeegsanaya socodka, lugaha oo kor loo taago, biyaha iyo masaajka, waxaad si dabiici ah oo buuxda u hagaajin karaan  caafimaadka xididdadaada adigoo aan u baahan dawooyin kemiko ah.

    Dr Waahin Sabriye – +252615963796

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Dr Waahin Sabriye
    • Website

    Related Posts

    Xalka Dhibaato Kasta Oo Timaha Kaa Haysata

    Calaamadda Kaliya Ee Tilmaamaysa In Tarankaagu Halis Ku Jiro (Xitaa Hadii Aad Caafimaad Qabto)

    Arrintan Cajiibka Ah Waxaad Arkaysa Marka Sokorta Iska Dhaafto oo Kaliya?

    Leave A Reply Cancel Reply

    • Popular
    • Recent
    • Top Reviews
    January 10, 2026

    24 Saac Kadib! Maxaa Ku Dhacaya Jirkaaga Haddii Aad Joojiso Sonkorta? (Layaabka Qarniga)

    January 10, 2026

    4 Caado ee Habeenkii aad Samayso oo Burburinaya Maskaxdaada iyo Hormoonnadaada adiga oo aan Ogayn”

    January 24, 2026

    Ha Cabin Biyaha Waqtiyadan: Waa khatar

    September 7, 2026

    Xalka Dhibaato Kasta Oo Timaha Kaa Haysata

    September 7, 2026

    10 Waxyaabood ee Sababa Xanaaq, Dabeecad Xumada, iyo Deganaansho La’aanta Caruurta:

    September 4, 2026

    Waqtiyadee Ayaa Lagula Talinayaa In La Joogteeyo Akhriska Ducadan Si Ay u Noqoto Furaha Guusha?

    Latest Reviews
    Copyright © 2026 Dabiib. Developed by Finalskills.
    • Home
    • CAAFIMAADKA
    • CILMI NAFSIGA

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.