Ma Og Tahay Inay Jirto Saacad Gaar Ah oo Ku Habboon In Aad Biyaha Cabto Si Aad Miisaanka u Yarayso?
Biyaha waxay fure u yihiin nolosha, waxayna door weyn ka qaataan in jirku si habboon u shaqeeyo.
Sidoo kale, dad badan oo doonaya inay miisaanka yareeyaan waxay inta badan isweydiiyaan doorka ay biyuhu ku leeyihiin gubidda baruurta ama hoos u dhigista culeyska jirka.
In kasta oo dad badani u maleeyaan in la cabbo biyaha marka la dareemo oon ama haraad, runtu waxay tahay in waqtiga aad cabbayso biyaha uu saameyn gaar ah ku leeyahay sida jirkaagu u habayeeyo tamarta iyo dheefshiidka.
Jirka aadanaha wuxuu ka kooban yahay qayb 65% biyo, sidaas darteed biyaha oo si tartiib ah loo cabo waxay caawisaa in xubnaha gudaha ku jira ay si fudud u shaqeeyaan.
Markaad ka soo kacdo hurdada, jirku wuxuu noqdaa mid oomman sababtoo ah saacado badan oo jirku biyo soo gelin.
Haddii aad biyaha cabto waqtigan hore, waxay ka caawisaa in dheefshiidku si dhaqso ah u bilaawdo, iyadoo weliba ka fekeraysa in mindhiciradu iska saaraan dhammaan jeermiskii eurursanaa intii aad hurdaysay
Cabidda biyaha kahor cuntada waxay leedahay faa’iido aad u weyn.
Marka aad cabto biyo kahor intaadan cuntada bilaabin, calooshaadu waxay noqonahsaa qayb ka mid buuxda, taas oo ka dhigaysa inuu qofku dareemo dherag degdeg ah isla markaana uusan cunin cunto ka badan inta uu jirkiisu u baahan yahay.
Sidoo kale, marka uu qofku sameynayo Jimicsi ama shaqo culus oo dhidid badan ka soo baxo, jirku wuxuu lumiyaa biyo badan.
Biyaha oo la cabbo kahor, iyo kadib jimicsiga waxay ka caawisaa muruqyada inay si fiican u shaqeeyaan, waxayna jirka ka dhowrtaa inuu daalo ama uu unugyada muruqa uu dhaawacmo, taas oo dhiirigelisa in baruurta si fiican loo gubo.
Waqtiyada dambe ee maalintii, gaar ahaan casarkii ama marka ay maskaxdu dareento in ay daashay, dad badan ayaa u qaata in ay cunto u baahan yihiin balse uma baahna cunto ee waa oomman yihiin.
Qaybta maskaxda ee xakameysa haraadka ama gaajada ayaa isku dhow, markaa marka aad cabto biyo waqtigan, waxaad ka hortagaysaa in aad cunto cunto aan caafimaad lahayn
Sidoo kale, biyaha oo la cabbo waxay caawisaa in xubnaha sida kelyaha ay si hufan u saaraan qashinka iyo jeermiska xad-dhaafka ah ee jirka ku jira.
Tani waxay yaraysaa dibirada ama bararka jirka, oo inta badan ka dhasha marka jirku uu kaydsado biyo xad dhaaf ah.
Aan Isku soo duubno, Sirta dhabta ah wuxuu ku jiraa in biyaha la cabbo 30 daqiiqo kahor cuntada, marka aad soo kacdo subaxdii, iyo marka aad jimicsiga sameynayso labadaba
Dr Waahin Sabriye

