Hal Shay oo Burburiyo Quruxda iyo Hormoonnada Dumarka Subaxdii
Waaga marka uu baryo, jirka haweenku wuxuu galaa xaalad aad u xasaasi ah.
Hab-dhiska jirka iyo hormoonnaduba waxay ku jiraan xilli ay isu diyaarinayaan shaqada maalinta inta ka dhiman.
Wax kasta oo subaxdii la qabto waxay saameyn toos ah ku yeeshaan sida ay noqoneyso quruxda guud, firfircoonida jirka, iyo habaysanaanta hormoonnada.
Maqaarkan, waxaan si tallaabo-tallaabo ah kuu tusin doonnaa hal caado oo dad badan aaminsan yihiin inay caadi tahay, iyada oo runtii ah cadowga ugu weyn ee quruxda iyo hormoonnada kowaad ee subaxdii.
1. Hab-dhiska Jirka Subaxdii iyo Sida Uu U Shaqeeyo
Noloshu waxay ku dhisan tahay dheelitirnaan. Markaad subaxdii ka soo kacdo hurdada, jirkaagu wuxuu si caadi ah u soo daayaa hormoonka loo yaqaan Cortisol.
Hormoonkan waxaa inta badan looga yaqaan jirka “hormoonka stresska” ama daalka, sababtoo ah wuxuu jirka ka caawiyaa in uu yeesho awood uu maalinta ku wajaho.
Marka aadan waxba cunin subaxdii, heerka sonkorta ee dhiigga ku jirta waa inay ahaataa mid deggan oo dheelitiran si jirku u helo tamar. Wax kasta oo xilligan la cuno ama la cabbo waxay si toos ah u beddeli karaan hab-dhiskan jirkaaga
2. Maxaa Dhaca Marka Sonkortu Dhiigga kacdo?
Fahanka koowaad ee ay tahay inuu qof kasta fahmo waa kan: Markaad subaxdii – iyadoo calooshu faaruq tahay – aad jirka geliso wax aad u kiciya heerka sonkorta, jirku wuxuu galayaa xaalad qaylo-dhaan ah.
Dhiigga ayaa si dhakhso ah looga buuxiyaa sonkor badan, taasina waxay keenaysaa qanjirka loo yaqaan Pancreas-ka inuu soo daayo hormoonka Insulin-ka si uu sonkortaas u maareeyo.
Marka Insulin-ka iyo Cortisol-ka ay subaxdii hore si wadajir ah usoo kacaan, hormoonnada kale ee dumarka ka dhiga kuwo caafimaad iyo qurux badan ayaa si buuxda u jahwareera.
3. Saamaynta ay ku leedahay Maqaarka iyo Quruxda Tooska Ah
Quruxda wejigu kuma xirna oo kaliya kareemada la marsado, waxay si toos ah uga timaadaa gudaha jirka.
Marka uu jirka ka dhasho jahwareerkaas hormoon ee subaxdii sababto, waxaa bilaabma wax loo yaqaan Glycation.
Tani waa marka sonkorta xad-dhaafka ahi ay la samayso unugyada borootiinada ee maqaarka.
Waxay gubtaa ama burburisaa borootiinka Collagen-ka iyo Elastin-ka oo ah labada shay ee maqaarka haweenka ka dhiga kuwo laabma, dhalaala, oo dhalinyaro ah.
Tani waxay keentaa in maqaarku daalo, midabkiisu doorsoomo, uuna yeesho godad ama finanka waaweyn (Acne).
4. Hormoonnada Dumarka (Estrogen & Progesterone)
Hormoonnada dumarka ugu muhiimsan ee maamula wareegga dhiigga caadada, quruxda timaha, midabka maqaarka, iyo xitaa dabeecadda waa Estrogen iyo Progesterone.
Marka hormoonka Insulin-ka uu mar kasta kor u kaco subaxdii hore, wuxuu ku khasbaa ugxan-ta inuu carqaladeeyo dheelitirnaantii Estrogen-ka.
Tani waxay keentaa in timuhu daataan, maqaarku saliid badan yeesho ama uu engego, iyo in wareeggii caadada uu noqdo mid aan saxnayn.
5. Saamaynta ay ku leedahay Miisaanka iyo Baruurta Caloosha
Arrin kale oo quruxda dumarka aad u dhaawacda waa miisaan kordhka.
Marka subaxdii la sameeyo arrintan burburisa hormoonnada, jirku ma awoodo inuu gubo baruurta inta lagu jiro maalinta.
Sababtu waxay tahay, mar kasta oo Insulin-ku kor u kaco dhiigga, jirku wuxuu helayaa baaq ah “Keydi baruurta, ha gubin!”.
Sidoo kale, Cortisol-ka sare subaxdii hore wuxuu si toos ah baruurta ku ururiyaa aagga caloosha (Visceral fat), taas oo beddesha qaab-dhismeedka quruxda badan ee jirka gabadha.
6. Saamaynta Nidaamka Neefsashada, Badbaadada iyo Mood-ka (Dabeecadda)
Quruxdu ma aha oo kaliya inta maqaarka kore ka muuqata, waa sidoo kale naxariista, dhoola-caddaynta, iyo nasteexada ka muuqata wejiga gabadha.
Caadadan subaxdii waxay kordhisaa walwalka, baqdin la’aanta, iyo sabab-la’aanta ay gabadhu ku xanaaqayso.
Marka sonkortu dhiigga kor u kacdo subaxdii, saacad ama laba saacadood kadib si dhakhso ah ayay u hoos ugu dhacdaa (Sugar Crash).
Taasi waxay keentaa in gabadhu subaxdii ama duhurkii dareento daal, maskaxdu caajisto, oo ay dareento niyadjab iyo daal daran.
7. Beddelka Caafimaadka Leh ee loo Baahan Yahay Subaxdii
Si loo badbaadiyo quruxda iyo hormoonnada, subaxdii waa in jirka lagu billaabaa waxyaabo u naxariisada hab-dhiska gudaha. Tusaale ahaan, marka la kaco suvaxduu, cabbidda koob biyo ah (diiran), cunista borootiin caafimaad leh (sida ukunta, lowska, ama yogurt-ka aan lahayn sonkor), ama khudaar cagaaran ayaa ah habka ugu fiican ee loo ilaaliyo in sonkortu noqoto mid dagan.
8. Waa Maxay Hal Shay ee Burburiya Quruxda iyo Hormoonnada Dumarka Subaxdii?
Magaca rasmiga ah ee halka shay ee habkan xun u burburiya quruxda iyo hormoonnada dumarka subaxdii hore waa Cabidda Qahwada, Koffee ama Shaah ama Cuntada Sonkorta Badan Leh oo lagu isticmaalo Caloosha faaruq ah.
Marka gabadhu subaxdii hore toosto iyadoo calool faaruq ah cabto qahwa ama waxyaabo sonkor badan leh (sida shaaha aadka u tamarta badan, cabitaannada qasacadaysan, ama macmacaanka subaxdii), caffeine-ka ama sonkortaas waxay si dhakhso ah u kicisaa Cortisol-ka iyo Insulin-ka,
Taasina waa caadada koowaad ee burburisa unugyada quruxda, daadisa timaha, finanka wejiga ku soo bixisa, miisaankana kor u qaada subax kasta.
Dr Waahin Sabriye

