Shanta Sabab oo Gabdhuhu u Jecel Yihiin Qajaarka
Qajaarku waa mid ka mid ah khudaarta ugu muhiimsan ee maanta aadka loo isticmaalo, gaar ahaan ka dhex muuqda caafimaadka iyo bilicda gabdhaha.
Waxa uu leeyahay faa’iidooyin dabiici ah oo aad u badan oo si toos ah u taabanaysa caafimaadkooda iyo muuqaalkooda.
Ugu horreyn, sababta ugu weyn oo gabdhaha u jecel yihiin qajaarka waa daryeelka maqaarka.
Qajaarku wuxuu leeyahay maaddooyin dabiici ah sida antioxidants iyo vitamin C, kuwaas oo ka caawiya maqaarka inuu ahaado mid nadiif ah, dhalaalaya, oo ka free ka ah finanka ama madowga maqaarka.
Gabdho badan waxay qajaarka toos u saaraan wajiga iyo indhaha hoostooda si uu u yareeyaan bararka, daalka, iyo madowga ku samaysma indhaha hoostooda
Sababta labaad waa miisaanka jirka. Qajaarku wuxuu leeyahay kaloori aad u yar, taas oo ka dhigan in qofku uu cuni karo xaddiga uu doono iyadoo aysan u keeneen miisaan siyaado ah.
Gabdhaha doonaya inay ilaaliyaan qaab-dhismeedka jirkooda ama hoos u dhigaan miisaanka waxay qajaarka u isticmaalaan cunto fudud oo buuxisa caloosha iyadoo aan jirkooda gelinaynin baruur ama sokor.
Qodobka saddexaad ee muhiimka ah waa maareynta dheefshiidka iyo caafimaadka caloosha. Qajaarku wuxuu leeyahay faybar (fiber) dabiici ah oo loo yaqaan pectin.
Faybarkani wuxuu caawiyaa in cuntu ay si fudud ugu dhex marto mindhicirrada, wuxuuna ka hortagaa calool-fadhiga (constipation) iyo dibirada.
Tani waxay gabadha ka caawisaa inay mar walba dareento caloosheedu inay fududahay, dheefshiidkeeduna uu degan yahay
Qodobka afaraad waa biyaha jirka jirka (hydration). Qajaarku wuxuu ka kooban yahay 95% biyo.
Gabdho badan oo ku dhibtooda inay cabbaan biyaha caadiga ah maanta oo dhan waxay isticmaalaan qajaarka iyagoo ku dhex dara biyaha (cucumber water) ama sidaas ku cuna.
Biyahaas dabiiciga ah waxay unugyada jirka ka ilaaliyaan engega, iyadoo jirkana ka dhiga mid mar kasta biyo ku filan haysta
Qodobka shanaad waxay tahay awoodda uu u leeyahay in jirka la saaro sunta (detoxification).
Qajaarku wuxuu leeyahay macdanta potassium iyo magnesium oo caawiya in la maareeyo (blood pressure) iyo in jirka laga saaro cusbada xad-dhaafka ah iyo sunta ku ururta kelyaha.
Tani waxay meesha ka saartaa bararka ama in qofky yeesho lugo barar
Sidoo kale, qajaarku waa cunto si aad u fudud loo heli karo, qiimo ahaan odhan karo waa raqiis, mana u baahna karin ama waqti badan oo laga bixiyo.
Waxaa loo cuni karaa sidiisa ama lagu dhex dari karaa khudaar kale, ama waxaa loo cabbi karaa sida cabitaan ahaan, taas oo ka dhigaysa doorashada ugu fiican.
Ugu dambayntii, isku-dhafka faa’iidooyinkan—daryeelka maqaarka, dhimista miisaanka, iyo dheefshiidka —ayaa ka dhigaya qajaarka khudaar aasaasi ah oo gabdhuhu aadka u doorbidaan si ay u ilaashadaan caafimaadkooda iyo quruxdooda.
Dr Waahin Sabriye +252615963796

