Lafa Xanuunka iyo Jilba Xanuunka Sababta Dhabta Ah Ma Ahan Vitamin D Yari
Markaad dareentid xanuun jilibka ah, lafo garaac ama dhawaaq ka soo baxa jilbaha qacqac gaar ahaan markaad fariisatid ama istaagtid, inta badan waxaad u malaynaysaa inuu yahay da’, ama fitamiin D la’aan, laakiin xaqiiqada dhabta ah waxay inta badan ka bilaabmaysa infakshan ka dhasha cabitaannada aashitada leh iyo cuntada warshadeysan!
Markaad si joogto ah u cabtid cabitaannada aashitada leh, jirku wuxuu galaa xaalad degdeg ah si uu aashitadaas awoodda badan u dheelitiro, jirku wuxuu si qasab ah uga soo nuugaa macdanta kalsiyaamta (calcium) iyo magnisiyamta birta ah ee ku kaydsan lafahaaga iyo jilibka!
Hawshani waxay si hoose u khafiifisaa cufnaanta lafaha, iyadoo xitaa jilicsanaanta unugyada lafaha u dhexeya ay ku dhacdo halis xun.
Xalka dhabta ah ee lafahaaga badbaadinaya waa inaad gabi ahaanba joojisid cabitaanada aashitada leh iyo saliidaha warshadeysan, oo aad ku badalatid biyo caadi ah, khudaarta cagaaran, iyo dhuuxa lafaha oo hodan ku ah kolajin dabiici ah
Marka aad jirka ka joojisid aashitadaas, lafahaaga iyo jilbahaagu waxay bilaabi doonaan inay dib isu dhisaan, xanuunkiina uu si toos ah uga baaba’o jilbaha iyo lafaha labadaba
Dr Waahin Sabriye

