Haa, waa dhab! Waxaa jikadaada ku jirta cunto fudud oo laga yaabo inaad maalin kasto agtaada taallo ama aad isticmaasho, balse aanad ka warhayn in ay laba laab ka nafaqo badan tahay inta badan cuntooyinka kale ee qaaliga ah ama la xayaysiiyo.
Cuntadan waxay muhiim u tahay nolol maalmeedkeena, waxayna leedahay faa’iidooyin caafimaad oo la yaab leh kuwaas oo caawiya jirkeena laga bilaabo madaxa ilaa lugaha.
Qaybaha hoose waxay si fudud kuu fahamsiin doonaa siday cuntadan wax u tarto.
Sida Ay U Dhisayso Jirka Iyo Muruqyada
Waa mid ka mid ah cuntooyinka ugu awoodda badan marka ay noqoto dhisidda iyo dib u habaynta muruqyada.
Waxay leedahay borotiin aad u sarreeya oo jirku si mudo yar gudaheed ah u nuugi karo.
Marka aad cuntayso, jirku wuxuu helayaa nafaqadii uu ku dhismi lahaa iyadoo aanay ku jirin dufan xad-dhaaf ah oo miisaanka kordhiya.
Sidaa darteed, cuntadan waxay ku haboon tahay qof kasta oo raba inuu helo caafimaad iyo toosnaan jirka ah.
Xoojinta Lafaha Iyo Ilkaha
Nafaqada ugu badan ee cuntadan dhexdeeda laga helo waxaa ka mid ah maaddooyinka lafaha adkeeya.
Waxay si toos ah uga qaybqaadataa in ilkuhu noqdaan kuwo sifiican u taagan oo aan burburin, sidoo kale waxay ka hortagtaa in lafaha dadka waaweyn ay noqdaan kuwo daciif ah ama si fudud u jaba.
Hadii aad maalin kasta isticmaasho, waxaad ka baaqanaysaa xanuunno badan oo lafaha ku dhaca oo u baahan dawooyin qaali ah.
Helidda Difaac Jireed oo Awood Badan
Waxaa ku jira fiitamiino iyo macdano muhiim u ah in jirka uu yeesho difaac adag.
Waxay ka caawisaa jirka inuu ka hortago xanuunada fudud ee maalin kasta inagu dhaca sida hargavka, madax xanuunka, iyo caabuqyada yaryar.
Waxay u shaqaysaa sida ciidan jirka ilaaliya oo kale, iyadoo baabi’isa sunta ku ururta unugyada jirka.
Awoodda dheefshiidka Iyo U Diyaarinta Jirka Energy
Si toos ah waxay u hagaajisaa shaqada dheefshiidka.
Waxay ka dhigtaa in cuntadii aad cuntay ay sifiican u shiidanto iyadoo aanay ku keenin calool-fadhi ama dibiro.
Intaa waxaa dheer, waxay jirka ka caawisaa inuu helo awood (energy) dabiici ah oo sii jirta maalinta dhan, taas oo kuu noqonaysa mid aad ku qabsato shaqooyinkaaga maalmeed iyadoo aanad dareemin daal iyo tabar-darro
Cuntada Waad Garatay Midda Ay Tahay Ayaan Filayaa
Cuntadan mucjisada ah ee nafaqada badan ee laba laabka ka ah kuwa kale ee jikadaada taal waa Ukunta
UKUNTA waa mid ka mid ah cuntooyinka ugu dhamaystiran ee adduunka ka jira, waxaana lagu tilmaamaa “superfood” dabiici ah oo la karsan karo muddo daqiiqado ah oo keliya.
Dr Waahin Sabriye
Whatsapp Number: +252615963796

