Facebook Twitter Instagram
    Trending
    • Macdan Jirka Ka Caawisa Inuu Si Sax Ah U Shaqeeyo
    • Cunto Dabiici ah oo Baabi’isa Dhibaatada Baabasiirka iyo Caloolfadhiga?
    • Cunto Ay Dadka Badani Jecel Yihiin oo Kaa Ilaalisa Daalka Korna U Qaada Dhiiga Gaaraya Xubnaha Taranka?
    • Ma Og Tahay Inay Jirto Saacad Gaar Ah oo Ku Habboon In Aad Biyaha Cabto Si Aad Miisaanka u Yarayso?
    • Maxay Tahay Shaqada Qarsoon ee Dadka Qurbaha Lacagta Ka Sameeyay Ay Qabtaan Iyadoo Aan Shahaado Weyn Loo Baahnayn?
    • Hal Shay oo Burburiyo Quruxda iyo Hormoonnada Dumarka Subaxdii
    • Sidee Ku Ogaan Kartaa Gabadha Aan Muddo Samayn Xiriir Hoose Ah
    • Arrintan Hadii Aad Samayso Subaxdii Waxay Burburisaa Kelyahaaga
    Facebook Twitter LinkedIn
    Website ka ugu weyn oo laga hadlo arimaha caafimaadka, arimaha bulshada, cilmi nafsiga & koriinshaha caruurta
    Leaderboard Ad
    • Home
    • CAAFIMAADKA
    • CILMI NAFSIGA
    • KORIINSHAHA CARRUURTA
    • FAHAMKA ISLAAMKA
    Website ka ugu weyn oo laga hadlo arimaha caafimaadka, arimaha bulshada, cilmi nafsiga & koriinshaha caruurta
    You are at:Home»CAAFIMAADKA»Cunto Dabiici ah oo Baabi’isa Dhibaatada Baabasiirka iyo Caloolfadhiga?

    Cunto Dabiici ah oo Baabi’isa Dhibaatada Baabasiirka iyo Caloolfadhiga?

    0
    By Dr Waahin Sabriye on August 29, 2026 CAAFIMAADKA

    Cunto Dabiici ah oo Babi’isa Dhibaatada Baabasiirka iyo Calool-fadhiga?

    Calool fadhiga iyo dhibaatada baabasiirku waa labo kuwa sida daran u saameeya nidaamka dheefshiidka.

    Marka uu qofku la kulmo caloolfadhig sii daba dheeraada, saxaradu waxay noqotaa mid aad u adag oo qalalan, taas oo keenta in qofku uu culays iyo riixid badan adeegsado marka uu musqusha ku jiro.

    Culayskaas badan wuxuu cadaadis weyn saaraa xididdada dhiigga ee ku yaalla qaybta hoose ee dabada, taas oo ah ta keenta in xididdadu bararaan, bararkas oo aynu u naqaanno baabasiir.

    Sidaas darteed, si baabasiirka loo baabi’iyo, waa in marka hore la baabi’iyaa sababta ugu weyn ee keenta oo ah caloolfadhiga.

    Dheefshiidka dadka wuxuu u baahan yahay nidaam caawiya in saxaradu ay si fudud ugu dhex marto mindhicirrada iyadoo aan lahayn wax xanuun ama adayg ah.

    Sababta ugu weyn ee caloolfadhiga keenta waa marka uu jirku waayo waxyaabo dabiici ah oo jilciya saxarada ama kor u qaada dhaqdhaqaaqa mindhicirrada.

    Dad badan ayaa isku daya in ay adeegsadaan dawooyin kiimiko ah si ay caloosha ugu jilciyaan, balse dawooyinkaas marka la joogteeyo waxay leeyihiin dhibaatooyin kale oo ay mindhicirrada u geystaan.

    Sidaas darteed, waxa ugu wanaagsan uguna ammaanka badan oo xallin kara dhibaatadan waa in loo noqdo waxyaabaha dabiiciga ah ee Alle ina siiyay.

    Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee caloolfadhiga lagu daweeyo waa maaddada loo yaqaan ‘Fiber‘ ee laga helo cuntooyinka la cuno.

    Fiilooyinku waxay u shaqeeyaan sida isbuunyo oo kale; waxay nuugaan biyaha oo ay ku dhex hayaan saxarada, taas oo ka dhigaysa saxarada mid jilicsa  ah, buuran, oo si fudud mindhicirka u dhex marta.

    Marka uu jirku helo fiber ku filan, qofku uma baahdo in uu riixo ama culays saaro dabada marka uu saxaroonayo, taas oo isla markiiba yaraysa cadaadiskii saarnaa xididdada bararsan ee baabasiirka, iyadoo si tartiib-tartiib ah u bogsiisa.

    Sidoo kale, biyuhu waa laf-dhabarta caafimaad ee nidaamka dheefshiidka.

    Qofka aan cabbin biyo ku filan waxay mindhicirradiisu ka nuugayaan biyaha yar ee saxarada ku dhex jira, taas oo saxaradii ka dhigaysa sida dhagax qalalan oo kale.

    Marka saxarada dhagaxa noqotay ay dhex marayso dabada, waxay jeexaysaa ama sii xanuunjinaysaa xididdadii horey u bararsanaa ee baabasiirka.

    Cabidda biyaha oo la kordhiyo waxay ka dhigaysaa gudaha mindhicirrada mid qoyaan u yeesha si tartiib taetiib ah, taas oo ka hortagaysa in xididdadu dhaawacmaan ama dhiig yeelato saxarada

    Si kastaba ha ahaatee, waxa jira cuntooyin gaar ah oo la dhex geliyo cuntada maalmeed oo noqon kara dawo toos ah oo la dagaallanta caloolfadhiga iyadoo isla markaana si dabiici ah u daweysa baabasiirka.

    Cuntooyinkaas waxaa ka mid ah koostada. Sidoo kale khudaarta sida tufaaxa, waxay leeyihiin maaddooyin dabiici ah oo mindhicirrada u horseeda inay si habsami leh u shaqeeyaan iyagoo aan wax xanuun ah oo dheeraad ah ku keenin qofka.

    Si loo helo natiijada ugu wanaagsan, waa in laga fogaado cuntooyinka adkeeya caloosha ama sii xanuunjiya baabasiirka. Cuntooyinkaas waxaa ka mid ah cuntooyinka basbaaska badan leh, cuntooyinka aadka loo warshadeeyay, rootiga cad, iyo cabitaannada la warshadeeyay ee aashitada leh.

    Waxaa muhiim ah in qofku uu si joogto ah u socdo 10k steps per day ama u sameeyo jimicsi fudud, sababtoo ah socodka wuxuu fududeeyaa  dhaqdhaqaaqa mindhicirrada iyadoo la xakameynayo fadhiga dheer oo isna dhibaato ku ah baabasiirka.

    Cuntada dabiiciga ah ee xallisa dhibaatadan oo dhan, waa Babayga (Papaya). Babaayga wuxuu  caanka ku yahay inuu leeyahay enzyme dabiici ah iyo fiilooyin ama fiber aad u sarreeya oo si degdeg ah u jilciya caloosha, baabi’iya caloolfadhiga, kadibna si buuxda u daweeya dhibaatada baabasiirka iyadoo aan la adeegsan wax kiimiko ah.

    Dr Waahin Sabriye +252615963796

     

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Dr Waahin Sabriye
    • Website

    Related Posts

    Macdan Jirka Ka Caawisa Inuu Si Sax Ah U Shaqeeyo

    Cunto Ay Dadka Badani Jecel Yihiin oo Kaa Ilaalisa Daalka Korna U Qaada Dhiiga Gaaraya Xubnaha Taranka?

    Ma Og Tahay Inay Jirto Saacad Gaar Ah oo Ku Habboon In Aad Biyaha Cabto Si Aad Miisaanka u Yarayso?

    Leave A Reply Cancel Reply

    • Popular
    • Recent
    • Top Reviews
    January 10, 2026

    24 Saac Kadib! Maxaa Ku Dhacaya Jirkaaga Haddii Aad Joojiso Sonkorta? (Layaabka Qarniga)

    January 10, 2026

    4 Caado ee Habeenkii aad Samayso oo Burburinaya Maskaxdaada iyo Hormoonnadaada adiga oo aan Ogayn”

    January 24, 2026

    Ha Cabin Biyaha Waqtiyadan: Waa khatar

    August 29, 2026

    Macdan Jirka Ka Caawisa Inuu Si Sax Ah U Shaqeeyo

    August 29, 2026

    Cunto Dabiici ah oo Baabi’isa Dhibaatada Baabasiirka iyo Caloolfadhiga?

    August 29, 2026

    Cunto Ay Dadka Badani Jecel Yihiin oo Kaa Ilaalisa Daalka Korna U Qaada Dhiiga Gaaraya Xubnaha Taranka?

    Latest Reviews
    Copyright © 2026 Dabiib. Developed by Finalskills.
    • Home
    • CAAFIMAADKA
    • CILMI NAFSIGA

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.