Maxaa Sababa In Dadka Qaar Ay Ku Adkaato Inay Miisaan Kordhiyaan?
Waxaa jira sababo badan oo keenay in dadka qaar ay ku adkaato inay miisaan kordhiyaan, inkastoo ay wax badan cunaan. Qaybaha soo socda waxay si xeeldheer oo furfuraan u macneynayaan sababahaas mid mid.
Habka jirku cuntada u gubo ee loo yaqaano Metabolism-ka ayaa dadka ku kala duwan yihiin.
Dadka leh Metabolism aad u dheereeya, jirkoodu wuxuu cuntada la cuno u beddelaa awood ama kulayl si dhakhso ah, iyadoo aanay fursad u helin inay baruur ama miisaan ahaan jirka u fariisato.
Tani waxay ka dhigan tahay inay u baahan yihiin cunto aad u badan oo leh kaloori sarreeya .
Astaamaha dhaxalka ah ama Hidde-wadaha (Genetics) ayaa door muhiim ah ka ciyaara qaabdhismeedka jirka qofka.
Sida uu qofku dhaxal ugu helo dhererka, ayuu sidoo kale u dhaxlaa awoodda jirkiisu u leeyahay inuu kaydiyo baruurta ama uu ahaado mid caato ah.
Tani waxay keenaysaa in dadka qaarkood ay leeyihiin qaabdhismeed jir oo miisaan kordhinta ka hortaga.
Nooca cuntada iyo habka cunto cunista ayaa iyana sabab ah.
Qaar ka mid ah dadka u muuqda inay cunto badan cunaan waxay dhab ahaantii cunaan cuntooyin mugoodu weyn yahay xagga cabbirka laakiin leh Kaloori yar (sida khudaar ama biyaha badan).
Miisaan kordhintu waxay u baahan tahay in qofku helo kaloori ka badan inta uu jirkoodu isticmaalo maalintii.
Dhaqdhaqaaqa jirka ee xad-dhaafka ah, socod boobsiiska ama shaqada culus ayaa jirka ka dhigta mid guba kaloori aad u badan.
Dadka sameeya sports-ka culus, kuwo orda, ama shaqooyin u baahan in socod iyo xoog badan la adeegsado waxay gubaan kaloorida cuntada iyagoo aan fursad u helin inay miisaan jirka ku siyaado
Xaaladaha caafimaad iyo xanuunada qaar ayaa iyana hor-istaaga miisaan kordhinta.
Waxaa ka mid ah cilladaha ku dhaca Qanjirka Tayroodhka (Hyperthyroidism) oo saara hormoonno xad-dhaaf ah oo guba cuntada, xanuunnada dheefshiidka ee diida inay mindhicirada ka nuugaan, ama xanuunka macaanka (Type 1 diabetes) oo jirka ka hortaga inuu isticmaalo tamarta cuntada.
Caafimaadka maskaxda iyo Cadaadiska Dhimirka (Stress) waxay si toos ah u saameeyaan miisaanka.
Murugada, fakarka, ama walwalka joogtada ah wuxuu sababaa in jirku soo daayo hormoonno sida Cortisol oo baabi’iya cunto-qaadashada ama gubista kaydka jirka, iyadoo taasi keenaysa in qofku uu miisaan kordhi waayo.
Hurdo la’aanta ama habka hurdada oo xumaada ayaa ka mid ah sababaha qarsoon.
Jirku wuxuu dhisamaa oo uu unugyo cusub ama baruur kaydiyaa waqtiga hurdada iyo nasashada.
Hadduu qofku maalin iyo habeenba soo jeedo ama dhafro, jirkoodu wuxuu ku jiraa xaalad gubaysa kaloorida intii uu kaydin lahaa.
Ugu dambayntii, sababta weyn ee ugu dambaysa ee inta badan keenaysa in dadka qaar ay ku adkaato inay miisaan kordhiyaan waa Nafaqo-darro ama Cunto-Qaadasho Isu Dheelitirneen.
Maadaama jirku u baahan yahay inuu helo kaloori ka badan inta uu maalin kasta gubo, hadii inta cuntada jirka gasha ay ka yar tahay ama le’eg tahay inta uu gubaayo, marnaba miisaanku ma kordhi karo; maaddada ugu muhiimsan ee miisaan kordhinta waa in la kordhiyo inta kaloori ee cuntada laga helo si jirku u kaydiyo tamarta dheeraadka ah, qofkuna si fudud u cayilo
Dr Waahin Sabriye – +252615963796

