Cunto Dabiici ah oo Babi’isa Dhibaatada Baabasiirka iyo Calool-fadhiga?
Calool fadhiga iyo dhibaatada baabasiirku waa labo kuwa sida daran u saameeya nidaamka dheefshiidka.
Marka uu qofku la kulmo caloolfadhig sii daba dheeraada, saxaradu waxay noqotaa mid aad u adag oo qalalan, taas oo keenta in qofku uu culays iyo riixid badan adeegsado marka uu musqusha ku jiro.
Culayskaas badan wuxuu cadaadis weyn saaraa xididdada dhiigga ee ku yaalla qaybta hoose ee dabada, taas oo ah ta keenta in xididdadu bararaan, bararkas oo aynu u naqaanno baabasiir.
Sidaas darteed, si baabasiirka loo baabi’iyo, waa in marka hore la baabi’iyaa sababta ugu weyn ee keenta oo ah caloolfadhiga.
Dheefshiidka dadka wuxuu u baahan yahay nidaam caawiya in saxaradu ay si fudud ugu dhex marto mindhicirrada iyadoo aan lahayn wax xanuun ama adayg ah.
Sababta ugu weyn ee caloolfadhiga keenta waa marka uu jirku waayo waxyaabo dabiici ah oo jilciya saxarada ama kor u qaada dhaqdhaqaaqa mindhicirrada.
Dad badan ayaa isku daya in ay adeegsadaan dawooyin kiimiko ah si ay caloosha ugu jilciyaan, balse dawooyinkaas marka la joogteeyo waxay leeyihiin dhibaatooyin kale oo ay mindhicirrada u geystaan.
Sidaas darteed, waxa ugu wanaagsan uguna ammaanka badan oo xallin kara dhibaatadan waa in loo noqdo waxyaabaha dabiiciga ah ee Alle ina siiyay.
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee caloolfadhiga lagu daweeyo waa maaddada loo yaqaan ‘Fiber‘ ee laga helo cuntooyinka la cuno.
Fiilooyinku waxay u shaqeeyaan sida isbuunyo oo kale; waxay nuugaan biyaha oo ay ku dhex hayaan saxarada, taas oo ka dhigaysa saxarada mid jilicsa ah, buuran, oo si fudud mindhicirka u dhex marta.
Marka uu jirku helo fiber ku filan, qofku uma baahdo in uu riixo ama culays saaro dabada marka uu saxaroonayo, taas oo isla markiiba yaraysa cadaadiskii saarnaa xididdada bararsan ee baabasiirka, iyadoo si tartiib-tartiib ah u bogsiisa.
Sidoo kale, biyuhu waa laf-dhabarta caafimaad ee nidaamka dheefshiidka.
Qofka aan cabbin biyo ku filan waxay mindhicirradiisu ka nuugayaan biyaha yar ee saxarada ku dhex jira, taas oo saxaradii ka dhigaysa sida dhagax qalalan oo kale.
Marka saxarada dhagaxa noqotay ay dhex marayso dabada, waxay jeexaysaa ama sii xanuunjinaysaa xididdadii horey u bararsanaa ee baabasiirka.
Cabidda biyaha oo la kordhiyo waxay ka dhigaysaa gudaha mindhicirrada mid qoyaan u yeesha si tartiib taetiib ah, taas oo ka hortagaysa in xididdadu dhaawacmaan ama dhiig yeelato saxarada
Si kastaba ha ahaatee, waxa jira cuntooyin gaar ah oo la dhex geliyo cuntada maalmeed oo noqon kara dawo toos ah oo la dagaallanta caloolfadhiga iyadoo isla markaana si dabiici ah u daweysa baabasiirka.
Cuntooyinkaas waxaa ka mid ah koostada. Sidoo kale khudaarta sida tufaaxa, waxay leeyihiin maaddooyin dabiici ah oo mindhicirrada u horseeda inay si habsami leh u shaqeeyaan iyagoo aan wax xanuun ah oo dheeraad ah ku keenin qofka.
Si loo helo natiijada ugu wanaagsan, waa in laga fogaado cuntooyinka adkeeya caloosha ama sii xanuunjiya baabasiirka. Cuntooyinkaas waxaa ka mid ah cuntooyinka basbaaska badan leh, cuntooyinka aadka loo warshadeeyay, rootiga cad, iyo cabitaannada la warshadeeyay ee aashitada leh.
Waxaa muhiim ah in qofku uu si joogto ah u socdo 10k steps per day ama u sameeyo jimicsi fudud, sababtoo ah socodka wuxuu fududeeyaa dhaqdhaqaaqa mindhicirrada iyadoo la xakameynayo fadhiga dheer oo isna dhibaato ku ah baabasiirka.
Cuntada dabiiciga ah ee xallisa dhibaatadan oo dhan, waa Babayga (Papaya). Babaayga wuxuu caanka ku yahay inuu leeyahay enzyme dabiici ah iyo fiilooyin ama fiber aad u sarreeya oo si degdeg ah u jilciya caloosha, baabi’iya caloolfadhiga, kadibna si buuxda u daweeya dhibaatada baabasiirka iyadoo aan la adeegsan wax kiimiko ah.
Dr Waahin Sabriye +252615963796

