Cunto Ay Dad Badani Jecel Yihiin oo Kaa Ilaalisa Daalka Korna U Qaada Dhiiga Gaaraya Xubnaha Taranka?
Dhibaatada daalka jirka iyo xagga awoodda jinsiga waxay inta badan ka timaadaa hal arrin: dhiigga oo aan si fiican u wareegin.
Marka uu dhiiggu si fiican u gaari waayo unugyada taranma iyo xubnaha hoose, qofku wuxuu dareemaa tamar-darro joogto ah, stress, iyo hoos-u-dhac ku yimaada rabitaanka iyo awoodda taranka.
Hayeeshee, waxaa jira cunto dabiici ah oo aad u dhadhan wanaagsan, oo Alle ku abuuray awood cajiib ah oo lagu daaweeyo dhibaatadan, taas oo dadka badankiisu ay maalin kasta cunaan iyagoo aan ogayn sirta ku dhex jirta.
Cuntadan waxay leedahay maaddo dabiici ah oo la yiraahdo Nitrates. Marka aad cuntadan afka geliso, candhuuftaada iyo dheefshiidkaaga ayaa u beddela maaddadan maado kale oo loo yaqaano Nitric Oxide.
Shaqada ugu muhiimsan ee Nitric Oxide waa inay kala bixiso oo ay ballaariso xididdada dhiigga.
Marka xididdadu ballaartaan oo ay dabcaan, dhiiggu wuxuu u socdaa sida webi buux dhaafay oo kale, isagoo culeys ama xiritaan ah la Kulmin.
Sidoo kale, dhakhaatiirtu waxay sheegaan in cuntadani ay hodan ku tahay birta dabiiciga ah (Iron).
Marka aad leedahay dhiig tayo leh oo sida ogsajiin buuxo, daalki aad dareemi jirtay markaad socoto ama shaqeyneyso ama galmo samaynayso wuxuu isu beddelayaa tamar cusub oo joogto ah.
Isku-darka labadaas (kala-bixinta xididdada iyo ogsajiinta badan) wuxuu saameyn toos ah oo cajiib ah ku leeyahay xubnaha taranka ee raga iyo dumarka.
Xubnaha taranku waxay u baahan yihiin dhiig badan oo soo gaara marka ay timaado xilliga kulanka jamaaca.
Dhiigaas wuxuu kordhiyaa dareenka, awoodda, iyo adkaysiga iyadoo aan loo baahnin wax dawooyin kimiko ah.
Faida kale oo cajiib ah ayaa ah in cuntadani leedahay waa inay hoos u dhigto hormoonka nooca stress-ka ee loo yaqaan Cortisol.
Marka aad welwel ama stress ku jirto, jirku ma ma lahan awood uu ku fekero arrimaha jinsiga ama tamarta.
Cuntadan dabiiciga ah waxay dajisaa neerfaha, waxay hoos u dhigtaa cadaadiska dhiigga, waxayna maskaxda siisaa dareen xasilooni oo keenaya in tamartaada hoose iyo tarabkaaga inay dib u soo noqdaan
Waxay sidoo kale caawisaa beerka iyo kelyaha, kuwaas oo ah xubnaha jirka u qaabilsan qashin-saarka.
Marka uu jirku ka dhasho sunta iyo jeermis, unugyada jirku waxay helayaan neef cusub, taas oo keenta in qofku uu maalintii oo dhan dareemo firfircoonida iyo reyn-reyn aan marna hoos u dhaceyn.
Magaca cuntadan cajiibka ah ee dadka dhan ay jecel yihiin, tamarta kor u qaada, dhiiggana si buuxda u gaarsiisa xubnaha taranka wuxuu yahay Beetroot Ama Bayruraafka
Marka aad maalin kasta isticmaasho ama cabto casiirka bayturaafka oo aan wax sokor ah lagu darin, waxaad arkaysaa dib-u-soo-noqoshada tamartaada iyo awoodda jirkaaga guud ahaangaar ahaan xubnaha taranka iyo maskaxda labadaba
Dr Waahin Sabriye

