Facebook Twitter Instagram
    Trending
    • Xalka Dhibaato Kasta Oo Timaha Kaa Haysata
    • 10 Waxyaabood ee Sababa Xanaaq, Dabeecad Xumada, iyo Deganaansho La’aanta Caruurta:
    • Waqtiyadee Ayaa Lagula Talinayaa In La Joogteeyo Akhriska Ducadan Si Ay u Noqoto Furaha Guusha?
    • Calaamadda Kaliya Ee Tilmaamaysa In Tarankaagu Halis Ku Jiro (Xitaa Hadii Aad Caafimaad Qabto)
    • Arrintan Cajiibka Ah Waxaad Arkaysa Marka Sokorta Iska Dhaafto oo Kaliya?
    • Labadan waxyaabood hadii aad xasaasiyad ku qabto ka fogow xulbada?
    • Waa Maxay Sirta ka Dambaysa Inay Dadka Qaarkood Da’ Ka Muuqato, Halka Qaar Kale Ay Dhallinyaro Iska Ahaadaan?”
    • Qubayska Biyaha Qabow Subaxdii Wuxuu Si Cajiib Ah U Baddalaa Noloshaada. Ma Rabtaa Inaad Ogaato?
    Facebook Twitter LinkedIn
    Website ka ugu weyn oo laga hadlo arimaha caafimaadka, arimaha bulshada, cilmi nafsiga & koriinshaha caruurta
    Leaderboard Ad
    • Home
    • CAAFIMAADKA
    • CILMI NAFSIGA
    • KORIINSHAHA CARRUURTA
    • FAHAMKA ISLAAMKA
    Website ka ugu weyn oo laga hadlo arimaha caafimaadka, arimaha bulshada, cilmi nafsiga & koriinshaha caruurta
    You are at:Home»FAHAMKA ISLAAMKA»Baro 5-ta Fure ee Risqigaaga Barakeeya!”

    Baro 5-ta Fure ee Risqigaaga Barakeeya!”

    0
    By Dr Waahin Sabriye on January 28, 2026 FAHAMKA ISLAAMKA

    Baro 5-ta Fure ee Risqigaaga Barakeeya!”

    Ereyga Barako macnihiisu waa “Kordhid, dhisid, iyo joogtaynta khayrka”. Waa awood rabbaani ah oo ka dhigta wax yar inay wax weyn qabtaan. Waxaad arki kartaa qof mushaarkiisu yaryahay laakiin gurigiisu nabad yahay, carruurtiisu caafimaad qabaan, haddana wax u dhiman ama ka maqna aysan jirin. Halka qof kale oo malaayiin qaata uu dareemayo cariiri iyo dhibaato aan dhammaad lahayn

    1. Furaha Koowaad: At-Taqwa (Alle ka cabsiga)

    Alle (SWT) wuxuu ballan-qaaday in qofkii ka baqa uu u furi doono ilo risqi ah oo uusan marnaba filayn. Barakadu ma ahan xisaab (1+1=2), ee waa naxariis Alle. Marka aad ka fogaato xaaraanta, Alle wuxuu xalaashaada yar ku barakeeyaa sidii ay u badanaan lahayd

    2. Furaha Labaad: Al-Istighfaar (Dambi dhaaf weydiisiga)

    Noloshu haddii ay kugu adkaato, risqi-guna uu ciriiri noqdo, fiiri dambiyadaada. Istiqfaartu ma ahan kaliya dambi dhaaf, ee waa furaha roobka, maalka, iyo ubadka. Sida ku xusan suuradda Nuux: “…waxaan ku niri dambi dhaaf weydiista Rabbigiis… wuxuu idiinku kordhin doonaa maal iyo ubad.”

    3. Furaha Saddexaad: As-Sadaqah (Bixinta)

    Xisaabta bini-aadamka, haddii aad haysato 100 oo aad bixiso 10, waxaa kuu haraya 90. Laakiin xisaabta barakada, bixinta sadaqadu ma dhinto maalka, balse waxay u tahay “tallaal” ka ilaaliya inuu xumaado ama kaga baxdo dhibaato. Sadaqadu waxay soo jiidataa naxariista Alle.

    4. Furaha Afraad: Bukra Kallahaadda

    Nabigeenna (NNKH) wuxuu ku duceeyey: “Ilaahayow u barakee umaddayda kallahaadooda.” Shaqada la qabto subaxii hore, kadib salaadda subax, waxay leedahay barako ka duwan tan la qabto duhurnimada. Hurdo badan ma keento barako; firfircoonida subaxdii ayaa ah sirta guusha.

    5. Furaha Shanaad: A-Shukr (Mahadnaqa)

    Qaanuunka barakada ee ugu weyn waa: “Haddii aad mahadnaqdaan, waxaan idiinku kordhin doonaa (nimcada).” Marka aad ku qanacdo waxa aad haysato, Alle wuxuu kaaga dhigaa mid kughu filan, wuxuuna kuugu kordhiyaa si tartiib-tartiib ah.

    Gunaanad: Ha raadin “badnaan” adigoo barakadii luminaya. Risqigu ma ahan kaliya lacag; waa caafimaad, waa ubad khayr qaba, waa xaas/seey kula fahma nolosha, waana nabadgelyo. Barako la’aantu waxay u egtahay weel daloolsan oo wax kasta oo lagu shubo ay ka baxayaan. Maanta ka bilow inaad istiqfaarta badiso si aad u aragto mucjisada barakada.

     

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Dr Waahin Sabriye
    • Website

    Related Posts

    Ma Rumaysan Doontid Waxa Dhacaya Marka Aad Joojiso Isticmaalkeeda Afurka Kadib

    9 Qalad ee Ugu Waaweyn ee Dadku Sameeyaan Bisha Ramadaan

    Cuntooyinka kaa caawinaya inaadan gaajon ilaa 4-ta galabnimo.

    Leave A Reply Cancel Reply

    • Popular
    • Recent
    • Top Reviews
    January 10, 2026

    24 Saac Kadib! Maxaa Ku Dhacaya Jirkaaga Haddii Aad Joojiso Sonkorta? (Layaabka Qarniga)

    January 10, 2026

    4 Caado ee Habeenkii aad Samayso oo Burburinaya Maskaxdaada iyo Hormoonnadaada adiga oo aan Ogayn”

    January 24, 2026

    Ha Cabin Biyaha Waqtiyadan: Waa khatar

    September 7, 2026

    Xalka Dhibaato Kasta Oo Timaha Kaa Haysata

    September 7, 2026

    10 Waxyaabood ee Sababa Xanaaq, Dabeecad Xumada, iyo Deganaansho La’aanta Caruurta:

    September 4, 2026

    Waqtiyadee Ayaa Lagula Talinayaa In La Joogteeyo Akhriska Ducadan Si Ay u Noqoto Furaha Guusha?

    Latest Reviews
    Copyright © 2026 Dabiib. Developed by Finalskills.
    • Home
    • CAAFIMAADKA
    • CILMI NAFSIGA

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.