Calaamadda Kaliya Ee Tilmaamaysa In Tarankaagu Halis Ku Jiro (Xitaa Hadii Aad Caafimaad Qabto)
Taranku waa mid ka mid ah astaamaha ugu waaweyn ee muujiya dhameystirka caafimaad ee binu-aadanka, balse maanta bulshada dhexdeeda waxaa ka jira hoos-u-dhac weyn oo ku yimid awoodda taranka ragga iyo dumarka.
Badanaa dadku waxay u haystaan in dhalmo-la’aanta ama dhibaatada taranka ay tahay wax si kadis ah hal mar oo kaliya u dhaca, balse xaqiiqdu waxay tahay in jirku marka hore uu soo diro fariimo digniin ah.
Waxaa jira hal calaamad oo qarsoon oo haddii aad ku aragto jirkaaga, ay ka dhigan tahay in awooddaada taranku ay mareyso meel aad u hooseysa: ama in aad hadda wax ka qabato ama aad wajahdo caqabad baddali karta mustaqbalka tarankaaga.
Calaamadani ma aha mid si toos ah loo dareemo marka lagu jiro shaqada maalmeed, waxayna inta badan la arkaa isbaddalka dhanka dheelitirka hoormoonada jirka (Hormonal Imbalance) oo ku samaysma hab-dhiska taranka.
Siyaabaha Dheelitir-la’aanta Hoormoonku U Saamayso Taranka
Ragga: Waxay u muuqataa isbaddal ku yimaada heerka Testosterone-ka, oo sababa daal joogto ah, kalsooni darro, isbaddal ku yimaada timaha jirka, iyo hoos-u-dhac ku yimaada tirada iyo tayada shahwada iyada oo aan wax xanuun dhab ah la dareemin.
Dumarka: Waxay ku muuqataa isbaddal ku yimaada wareegga dhiiga caadada, timo ka soo baxa wajiga ama sabab la’aan miisaanka oo kordha, taas oo muujinaysa xaaladda PCO-s (Polycystic Ovary Syndrome) oo si toos ah u joojisa soo deynta Ugxaanta (Ovulation).
Sababaha Keena In Calaamadan
Waqtigan casriga ah, qaabka noolashu waa mid ka mid ah kuwa ugu daran ee wax yeela caafimaadka taranka.
Walwalka iyo Cadaadiska (Chronic Stress):
Soo deynta hoormoonka Cortisol oo aad u sarreysa waxay si toos ah u xirtaa marinnada soo deeya hoormoonada taranka.
Cuntada Warshadeysan: Isticmaalka cuntada ka karbohaydraytku ku badan yahay iyo cabitaannada sonkorta leh oo keena Insulin Resistance, taas oo laf-dhabar u ah hoos u dhaca tayada ukunta iyo shahwada.
Sunta (Xenoestrogens): Caagagga iyo kiimikooyinka la isticmaalo maalin kasta oo ku dhex milma cuntada ama biyaha.
Maxaad Samayn Kartaa Hadda?
Haddii aad ka shakido ama aad aragto isbaddal kasta oo ku saabsan shaqada jirkaaga
1. Pannalka Hoormoonka (Hormone Panel Test): Iska baadh heerka hoormoonadaada si aad u ogaato xaaladda dhabta ah.
2. Baddal Qaabka Noolasha: Samee jimicsi dhexdhexaad ah, hurdo ku filan (7 saac), iyo cunto dabiici ah oo hodan ku ah Zinc, Vitamin D, iyo Omega-3.
3. U Tag Dhakhtar: Haka dib dhigin la-talinta dhakhtarka ilaa ay xaaladdu adkaato.
Ciwaanka Xiga Ee Aad U Baahan Tahay In Aad Ogaato:
Ma Rabtaa inaad ogaato 3-da cunto oo aad maalin kasta cunto oo awooddaada taranka hoos u dhiga 80%)
Dr Waahin Sabriye +252615963796

