Unug kasta oo jirkaaga ku jira wuxuu u baahan yahay dhiig joogto ah oo u sida hawada Ogsajiinta ah iyo nafaqada.
Dhiiggaas wuxuu maraa meelo tubbooyin ama babiyaal yaryar oo loo yaqaan xididdada dhiigga.
Marka xididdadu ay yihiin kuwo caafimaad qaba, dhiiggu wuxuu u socdaa si habsami ah, wuxuuna si fudud u gaaraa qayb kasta oo jirka ah.
Si xididdada dhiiggu ay u ahaadaan kuwo aan si fudud u cilladoobin, waxay u baahan yihiin borotiin gaar ah oo la yidhaahdo Collagen.
Borotiinkani wuxuu u shaqeeyaa sida shamiito ka dhigta xididdada iyo unugyada kuwo isku duuban oo adag.
Hadii shamiitadaas ama borotiinkaas uu ku yaraado jirka, xididdada dhiiggu waxay noqon karaan kuwo daciif ah, oo dhiiggu wuxuu bilaabi karaa inuu ka soo baxo halkii uu ku socday.
Fahamka kale ee muhiimka ahi waa in jirka dhexdiisa ay ka ka dhacaan waxyaabo loo yaqaan (Free Radicals).
Kuwani waa kuwa burburiya ama dhaawaca unugyada iyo derbiyada xididdada dhiigga, sida biriqda oo kale.
Marka dhibkani jirka ka dhex dhaco, unugyadu waxay bilaabaan inay duqoobaan ama ay shaqadooda gabkaan si tiro badan.
Haddaba, si jirku uga hortago dhibkan, wuxuu u baahan yahay difaac adag.
Difaacaas wuxuu u shaqeeyaa sida gaashaan oo kale. Wuxuu ka hortagaa burburkii, wuxuuna ilaaliyaa in unugyada iyo derbiyada xididdadu ay ahaadaan kuwo difaac adag leh
Sidoo kale, habka wareegga dhiigga wuxuu u baahan yahay in gudaha xididdada dhiigga uu ka jiro dareere dhiigga u fududeeta inuu si fudud ugu dhex maro iyadoo aanay samaysmin xinjiro dhiig oo xera xididdada.
Tani waxay caawisaa in cadaadiska dhiiggu uu ahaado mid dabiici ah oo aan kor u kicin, iyadoo wadnuhuna uu awoodo inuu dhiigga geeyo meel kasta iyada oo aan dhib lagu qabin.
Qaybta cunnada ee aan maalintii qaadano waxay door ugu weyn ka ciyaartaa caafimaadkan.
Khudaarta sida liinta, canbaha, digirta waxay leeyihiin nafaqooyin aad u sarreeya oo jirka siiya awood uu ku dhiso unugyo cusub.
Noocyada nafaqada ee laga helo cunnada dabiiciga ah waxay gubaan ama ka saaraan jirka waxyaabaha sunta ah ee ka soo baxa cunnada warshadeysan ama hawada wasakhaysan.
Habka nololeedka sida socodka 10,000 steps ah, hurdada, iyo cabista biyo badan waxay iyaguna qayb weyn ka yihiin in unugyadu ay helaan dhiig ku filan.
Biyaha badan waxay dhiigga ka dhigaan mid fudud oo si dabiici ah ugu dhex socda xididdada, iyadoo socodkuna uu kiciyo wadnaha si uu dhiigga si hufan ugu qaybiyo dhammaan qaybaha jirka.
Waa maxay sirtan dabiiciga ah ee kor ku xusan?
Sirta dabiiciga ah ee nadiifisa xididdada dhiigga, lagana helo soo saarista borotiinka collagen iyo difaaca unugyada waa (Vitamin C) ama magaciisa sayniska ee loo yaqaan Ascorbic Acid.
Fitamiin C-du waa nafaqada kaliya ee ugu weyn ee jirku u baahan yahay si uu u samaysmo derbi adag oo xididdada dhiigga iyo unugyada labadaba kuwa caafimaad qaba
Dr Waahin Sabriye

