Arrintan Caadiga ah ee Ragga oo Dhan Sameeyaan oo Dilaysa awooda Tarankooda!
Wax hab-dhaqan ama dhibatooyin taxane ah ah oo ku saabsan nolosha maalmeedka raga ayaa saameyn ba’an ku yeesha tayada iyo tirada shahwada (sperm).
1. Kulaylka Xad-dhaafka Ah iyo Fadhiga Dheer
Xaniinyaha raga waxay jirka kaga yaallaan bannaanka si ay u hekaan heer-kul ka hooseeya kan jirka intiisa kale .
Fadhiga dheer ee baabuurta ama xafiisyada, isticmaalka biyaha aadka u kulul ee qubayska, iyo in laptop-ka toos la saaro dhabta waxay kor u qaadaan heer-kulka xaniinyaha.
Kuleylkan xad-dhaafka ah wuxuu si toos ah u waxyeelleeyaa unugyada soo saara shahwada iyadoo meesha ka saarta awooddii iyo tayadii shahwada
2. Shucaaca Talefannada Gacanta (EMF)
Gelinta talefanka jeebka hore ee surwaalka waxay keentaa xubnaha taranka shucaaca elektaromaagnetik-ka ah (EMF).
Sida ay muujinayaan baaritaanno badan, shucaacan wuxuu kordhiyaa unugyada sunta ah ee jirka ka dhasha (oxidative stress), taas oo dhaawacda DNA-da shahwada.
Tani waxay keenaysaa in tirada shahwada ay aad u yaraato, sidoo kale socodkooda ama awoodooda ay si weyn u hoos u dhacdo.
3. Dharka Hoose ee Aadka u Adag
Xirashada nigisyada ama dharka hoose ee aadka u adag waxay xaniinyaha ku riixaan gudaha jirka, taas oo baabi’isa hab-dhismeedka asalka ah ee xiniinyaha.
Marka xaniinyahu gudaha galaan, heer-kulku wuxuu kor u dhaafaa kii loogu talagalay taranka. Waxaa intaa dheer, wareegga dhiigga ee inta laga rabo caadiga ah ayaa hoos u dhaca, taas oo yareyneysa nafaqadii iyo oksijiintii gaari jirtay unugyada taranka.
4. Xadka oo Laga Bixiyo Jimicsiga ama Fadhiga Xad-dhaafka ah
Midna ma wanaagsana: fadhiidnimada gebi ahaanba ama jimicsiga xad-dhaafka ah ee jirka aadka u daaliya. Fadhiga waqti dheer wuxuu sababaa in miisaanku kordho oo heerka testosterone-ka (hormoonka raga) uu hoos u dhaco
Dhanka kale, jimicsiga aan lahayn nasiino wuxuu kor u qaadaa hormoonka stresska ee cortisol, taas oo si toos ah u baabi’isa ama u yareyneysa soo saarista testosterone-ka iyo shahwada labadaba.
5. Cunnada Caagadaha lagu sijilo (Endocrine Disruptors)
Cuntooyinka warshadaysan ee ka samaysan saliida vadan, sokarta badan, iyo cuntooyinka lagu kaydiyo caagagga ka samaysan kimikooyinka sida BPA iyo Phthalates waxay carqaladeeyaan hormoonnada jirka.
Kimikooyinkani waxay u dhaqmaan sida hormoonka dheddigga ee estrogen, iyagoo ku beeraya raga dheelitir-la’aan hormoon oo keenysa in unugyada shahwada ay noqdaan kuwo qaab-darro leh ama aan shaqayn karin.
6. Stress-ka Dheer iyo Hurdada La’aanta Dhafarka
Walaaca joogtada ah iyo hurdo yarida sida qofka inuu seexo wax ka yar 7 saac habeen kasta waxay burburiyaan hab-dhiska hormoonnada ee u dhaxeeya maskaxda iyo xubnaha taranka.
Marka qofku ku jiro xaalad walaac ah, wuxuu mudnaanta siiyaa badbaadada qofka intay awoodda taranka kordhin lahayd.
Hurdada la’aanta ama dhafarka waxay hoos u dhigaan tayada shahqada iyadoo si toos ah u yareyneysa enzymes-ka loo baahan yahay inay mbayaha cusub ku bislaadaan.
7. Maandooriyaha
Isticmaalka sigaarka, khaadka, shiishada iyo kuwa kalaba waxay dhiigga ku shubtaa maadooyin sun ah oo si toos ah u weerara unugyada taranka.
Suntu waxay keentaa in biyaha shahwadu ay yeeshaan qaab-darro structural ahaan (sida madaxa ama dabada unugyada oo xumaada), waxayna baabi’isaa unugyada la yiraahdo Sertoli cells oo ah kuwa daryeela biyaha shahwada inta ay korayaan. Tani waxay sababtaa in taranka uu noqdo mid aad u baaba’a ama gebi haanba istaaga
Dr Waahin Sabriye

