Ma Rumaysan Doontid Waxa Dhacaya Marka Aad Joojiso Isticmaalkeeda Afurka Kadib
1. Degganaanshaha Heerka Sonkorta
Marka aad joojiso macmacaanka badan afurka ka dib, jirkaaga waxa uu ka badbaadayaa “Sugar Crash” ama hoos u dhaca degdega ah ee sonkorta.
Tani waxay ka dhigan tahay in sonkorta dhiiggaagu ay fadhido, taas oo meesha ka saaraysa dareenka ah in jirkaagu gariirayo ama aad u baahantahay cunto kale oo macaan
2. Maskaxda oo Dejisa
Macaanka badan wuxuu keenaa waxa loo yaqaan “Brain Fog” ama caqliga oo yara baxsan tahay.
Marka aad iska deyso sokorta, waxaad dareemi doontaa in maskaxdaadu ay aad u furan tahay, aadna u foojigantahay.
Waxaad awood u yeelan doontaa inaad si fiican u dhuuxdo akhriska iyo cibaadada adigoon dareemin in maskaxdaadu ay daalan tahay.
3. Maqaarka oo Nuura
Joojinta sonkorta waxay si toos ah u saameysaa quruxda wajiga.
Sonkortu waxay keentaa caabuq (inflammation) kaas oo keena finan ama maqaarka oo madoobaada.
Toddobaad gudahood, waxaad arki doontaa in wajigaagu uu bilaabay inuu dhalaalo, lana soo noqdo midabkiisii dabiiciga ahaa.
4. Dheef-shiidka oo Hagaaga
Macaanka iyo dufanka la isku daro afurka ka dib waxay culays weyn ku yihiin caloosha.
Marka aad ka fogaato, nidaamka dheef-shiidkaagu wuxuu u shaqaynayaa si dabiici ah, waxaana meesha ka baxaya dibbirada, laqanyada, iyo dhibaatada calool-fadhiga ee badanaa dadka sooman dhibta.
5. Miisaanka oo si Fudud u Dhaca
Bisha Ramadaan waa fursad dahabi ah oo miisaanka lagu dhimo, laakiin sonkorta afurka ka dib ayaa badanaa hortaagan.
Marka aad joojiso sokorta, jirkaagu wuxuu bilaabayaa inay u fududaato inuu gubo baruurta kaydsan, waxaadna dareemi doontaa in dhexdaadu ay yaraatay dhowr maalmood gudahood.
6. Hurdada oo Macaanaysa
Sonkortu waxay carqaladaysaa soo saarista hormoonka hurdada (melatonin).
Marka aad ka fogaato macmacaanka habeenkii, waxaad seexan doontaa hurdo tayo leh, waxaadna ka soo toosi doontaa suxurka adiga oo dareemaya inaad si fiican u nasatay, halkii aad ka soo toosi jirtay adoo daalan caajisna ku saaran yahay
7. Ilkaha iyo Ciridka oo Caafimaada
Afurka ka dib, candhuufta afku waxay u baahan tahay inay dheellitirto aashitada.
Joojinta macmacaanku waxay yaraysaa khatarta suuuska ilkaha iyo dhiigga ciridka, maadaama bakteeriyada afku ay quudato sonkorta aad cunto habeenkii.
Tani muhiim ayay u tahay dadka qaba af shiirka ama neeftoodu soo urto
8. Rabitaanka Cuntada oo Isbeddela
Ma rumaysan doontid sida dhadhankaagu isu beddelayo!
Marka aad joojiso sonkorta macmalka ah, waxaad bilaabi doontaa inaad dhadhamiso macaanka dabiiciga ah ee ku jira khudradda iyo caanaha.
Rabitaankii waallida ahaa ee aad u qabtay cuntada sonkorta lehna wuu yaraan doonaa maalinba maalinta ka dambaysa.
9. Degganaansho Nafsi ah
Ugu dambeyntii, waxaa jira xiriir ka dhexeeya sonkorta iyo welwelka (anxiety).
Marka heerka sonkortaadu ay tahay mid dabiici ah, waxaad dareemi doontaa xasilooni iyo degganaansho nafsiyad ah, taas oo ka caawinaysa inaad si buuxda ugu raaxaysato jawiga barakaysan ee bisha Ramadaan
.

