Sahuurtu ma aha oo kaliya cunto la cuno, waa “shidaal” aad u kaydsanayso 16-ka saacadood ee soo socda. Haddii aad sahuurka ka tagto, jirkaagu wuxuu dareemayaa culays, waxaana hoos u dhacaya awoodda maskaxdaada.
1. Sirta Cuntooyinka Raaga (Complex Carbohydrates)
Si aad uga fogaato gaajada degdega ah, waa inaad cuntaa cuntooyin ay ku qaadato waqti dheer in la shiido.
A. (Oats): Waa cuntada boqorka u ah sahuurta. Waxay leedahay fiber badan oo tamarta tartiib-tartiib u sii daaya.
B. Sareenka iyo Digirta: Waxay caloosha ku jiraan muddo dheer, iyagoo hubinaya in heerka sonkortaadu ay deggan tahay.
C. Mooska: Waa il wanaagsan oo laga helo Potassium, taas oo yareysa harraadka maalintii.
2. Borotiinka: Joojiyeha Gaajada
Borotiinku wuxuu yareeyaa hormoonka gaajada. Haddii aad cuntk sahuurtaadu tahay rooti iyo shaah, saacad ka dib waad gaajonaysaa.
A. Ukunta: Waa borotiinka ugu raqiisan ee ugu fiican. 2 xabo oo ukun ah oo la kariyey waxay ku siinayaan dhereg ilaa duhurkii.
B. (Yogurt): Ma aha oo kaliya borotiin, laakiin wuxuu leeyahay macdanta faa’iidada leh (Probiotics) oo ka hortagta dibbirada iyo laab-jeexa maalintii.
3. Cadowga Sahuurta: Milixda iyo Sonkorta
Waxaa jira laba shay oo haddii aad sahuurta ku badiso, maalintaada kharribaya:
A. Milixda badan (Salt): Cuntooyinka cusbada leh (sida hilibka qallajisan ama qasacadaha) waxay jirka ka soo saaraan biyaha, taas oo kugu keenaysa harraad xad-dhaaf ah isla markaad salaadda subax ka baxdo.
B. Sonkorta cad: Haddii aad cunto wax macaan, insulinta ayaa kor u kacaysa, kadibna si degdeg ah u dhacaysa (Sugar crash), taas oo kugu keenaysa dawakhaad iyo tamar-darro saacadaha hore ee maalinta.
4. Cabista Biyaha ee Saxda ah
Ha cabbin 3 litir oo biyo ah hal mar marka aad sahuurayso!
Maxaa dhaca? Kelyuhu waxay biyahaas u arkayaan inay ka badan yihiin baahida jirka, waxayna iska saarayaan saacad gudaheed
Talo: Cab biyaha si tartiib-tartiib ah inta u dhaxaysa afurka ilaa sahuurta. Sahuurta ku dar hal koob oo biyo ah oo lagu tuujiyey dhibco liin dhanaan ah si ay kuugu caawiso in aadan kaadi isla biyihii
5. Ma dhab baa in “Shaaha iyo Kafeega” laga fogaado?
Caffeine-ka ku jira shaaha iyo kafeega waa Diuretic (waxay dhiiri-geliyaan kaadida). Haddii aad sahuurta ku cabto koob weyn oo kafee ah, jirkaagu wuxuu lumineyaa biyaha muhiimka ah ee uu u baahnaa maalintii.
Talo: Haddii aad u baahan tahay, cab koob yar, laakiin ku xiji koob biyo ah.
Xikmadda Sahuurta: “Sahuurtaada u dhoweyso xilliga subaxda (waajirka), oo u dooro cuntada in shiido ay dhib badan tahay”

