Nolosha waxa ka jira waxyaabo aynaan indhaha ku arki karin laakiin saamayn dhab ah leh, sida Isha (Caynka), Xasidnimada, iyo Waswaaska. Loophole-ka halkan ku jira waa inaad ogaato in “Ka-hortaggu uu ka fiican yahay Daawaynta.” Haddii aad dhisato gaashaan subax iyo fiid ah, dhib kasta oo laguu maleegayo jidka ayuu ku gubanayaa.
1. Saddex Suurat
Ka hor intaadan seexan ama markaad subaxdii kacdo, u akhri Suradaha Al-Ikhlaas, Al-Falaq, iyo An-Naas si gaar ah.
Xeeladda: Sida uu Nabigu sameyn jiray, gacmaha isku keen, ku afuuf, akhri saddexda suradood, ka dibna mari jirkaaga inta ay gacmahaagu gaari karaan.
SIRTA: Tani waxay abuurtaa awood ruuxi ah oo kaa ilaalinaya inta xun iyo indhaha dadka ee xumaanta raba
2. Ducada “Bismillaahilla…” (Magaca Alle…)
بِسْمِ اللَّهِ الَّذِي لَا يَضُرُّ مَعَ اسْمِهِ شَيْءٌ فِي الْأَرْضِ وَلَا فِي السَّمَاءِ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ
Xeeladda: Haddii aad ducadan akhrido 3 jeer subaxdii iyo 3 jeer fiidkii, wax kasta oo kugu dhaca waxyeello kuu geysan maayaan (sun, cayna, ama masiibo kedis ah).
Sirta: Waxaad magacaaga ku xiraysaa Magaca Allah ee wax kasta ka sarreeya, taas oo meesha ka saarta cabsida iyo walwalka
3. Xalinta Ciriidrga: “Laa ilaaha illa anta…”
Markaad dareemto in dunidu ciriiri kugu tahay, ama aad ku jirto xaalad aad u adag (Guri, Ganacsi, ama Caafimaad).
Ducadii Nabi Yuunus (CS):
لا إله إلا أنت سبحانك إني كنت من الظالمين
Allah wuxuu ballan-qaaday in qofkii ducadan ku dhurto uu ka soo saarayo dhibka, sidii uu Nabi Yuunus uga soo saaray caloosha nibiriga. Waa furaha “Gargaarka Degdegga ah”.
Faa’iidada Sirtan:
Xasilooni Qalbi: Waxaad helaysaa degganaan gudaha ah, adigoo og inaan waxba ku gaari karin amar Allah la’aantiis.
Kalsooni: Waxaad joojinaysaa inaad ka cabsato sixirka ama isha, waayo waxaad haysataa gaashaan ka xooggan.
Barako: Guriga lagu akhriyo xuska Alle waxaa ka carara shaydaanka, waxaa dega malaa’igta, barakaduna way ku badataa.

