Iska Jir 5-tan Qalad oo Ilmaha Ka Dhigaya Inuu Habeenkii Saacado Soo Jeedo
Toositaanka ilmaha ee habeenkii waa qayb dabiici ah oo ka mid ah koriinshaha, gaar ahaan bilaha ugu horreeya. Laakiin, habka aad uga jawaabto markuu ilmuhu soo tooso ayaa go’aaminaya inuu si dhakhso ah u seexdo iyo inuu habeenka intiisa kale kugu dhibo. Waalidiin badan ayaa sameeya khaladaad u muuqda naxariis, balse dhab ahaantii khalkhal geliya nidaamka hurdada ee ilmaha.
1. Inaad Shiddo Layrka (Iftiinka)
Marka ilmuhu soo tooso, qaladka ugu weyn waa inaad shiddo layrka qolka. Iftiinku wuxuu maskaxda ilmaha u sheegaa inuu waagii beryey, wuxuuna joojiyaa soo saarista hormoonka hurdada ee Melatonin.
Xalka: Marka aad habeenkii u kacayso ilmaha, isticmaal iftiin aad u yar (night light) oo midabkiisu casaan ama liimi yahay, kaas oo aan maskaxda kicin.
2. Wadahadal iyo Ciyaar
Marka ilmuhu soo tooso 3-da habeennimo, waxaa laga yaabaa inuu bilaabo inuu kuu qoslo ama kula hadlo. Haddii aad adiguna bilawdo inaad la hadasho ama aad la ciyaarto, waxaad baraysaa in habeenkii loo soo tooso “baashaal”.
Xalka: Habeenkii ula dhaqan ilmaha sidii “robot” oo kale. Ha la hadlin, indhaha ha ka eegin wax badan, oo shaqadaada (quudinta ama xafaayad beddelka) ku qabo si aamusnaan iyo deganaan ah.
3. Inaad siiso Cunto (Caanaha) mar kasta oo uu u ooyo
Wixii ka dambeeya 6 bilood, carruur badan uma baahna inay caano cabbaan habeenkii oo dhan. Haddii aad mar walba dhalada afka ugu raddo si uu u aamuso, wuxuu baranayaa inuu u soo tooso “raaxo” ee uusan u soo toosin “gaajo”.
Xalka: Isku day inaad ku dejiso salaaxid si tartiib ah adigoon naas ama dhalo siin mar kasta, si uu u barto inuu isagu is-seexiyo.
4. Inaad si degdeg ah ugu tagto (Over responsing)
Mararka qaar, ilmuhu wuxuu sameeyaa sanqar ama ooyin yar isagoo weli hurda ama u dhow inuu is-seexiyo. Haddii aad isla markiiba soo booddo oo aad kor u qaaddo, waxaad ka gooynaysaa hurdadii, waxaanad ku qasbaystaa inuu soo tooso.
Xalka: Sug 1 ilaa 2 daqiiqo. Arag haddii uu isagu is seexin karo. Badanaa carruurtu waxay u baahan yihiin fursad ay dib ugu laabtaan hurdada iyadoon la taaban.
5. Isbeddelka Goobta Hurdada
Haddii ilmuhu ku seexday gacmahaaga ama sariirtaada, ka dibna uu soo tooso isagoo yaala sariirtiisa gaarka ah, wuxuu dareemayaa jahawareer iyo cabsi (waa sidii adigoo sariirtaada ku seexday, ka dibna fadhiga ku soo toosay).
Xalka: Mar walba ilmaha sariirtiisa dhig isagoo “daallan balse weli soo jeeda“. Tani waxay baraysaa inuu deegaankaas ku kalsoonaado markuu soo tooso habeenkii.
Gunaanad: Hurdada ilmahaaga waa xirfad uu baranayo. Samir yeelo, joogteyna nidaamka (Routine), xusuusnowna in habeen degan uu ka bilaawdo habka aad u maamusho ilmaha toositaankiisa yar

