Si aad u hesho daryeelka saxda ah ee maqaarkaaga, waa inaad marka hore ogaataa nooca uu yahay. Isticmaalka kareem khaldan wuxuu keeni karaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin fican, qallayl, ama dufan xad-dhaaf ah.
Halkan waxaa ku qoran habka ugu fudud ee aad gurigaaga ugu ogaan karto nooca maqaarkaaga:
Tijaabada “Wejiga la dhaqay” (The Bare-Face Method)
1. Wejiga ku dhaq saabuunta (gentle cleanser), ka dibna si tartiib ah u qalaji.
2. Ha marin wax kareem ah ama saliid ah.
Sug 30 ilaa 60 daqiiqo, ka dibna u fiirso maqaarkaaga adigoo ku fiirinaya muraayadda.
1. Maqaarka caadiga ah (Normal Skin)
Haddii maqaarkaagu uusan noqon qallayl ama dufan, uuna u muuqdo mid siman oo aan lahayn daloolo, waxaad leedahay maqaar caadi ah. Kani waa nooca ugu habboon ee u adkaysta isbeddelka cimilada.
2. Maqaarka qallalan (Dry Skin)
Haddii maqaarkaagu noqdo inuu yeesho dhegdheg (tight), uuna leeyahay qaybo yaryar oo diirka ka kacaayo ama u muuqda mid leh cadcad boor oo kale ah, waxaad leedahay maqaar qallalan.
Calaamadda: Wuxuu u nugul yahay laalaabka (wrinkles) da’da inay kaa muuqato.
3. Maqaarka dufanka leh (Oily Skin)
Haddii wejigaagu uu dhan walba ka dhalaalayo, gaar ahaan foodda iyo sanka, aadna dareemayso dufan gacantaada ku soo baxaya markaad wajiga taabato, waxaad leedahay maqaar dufan leh.
Calaamadda: Daloolada wejiga (pores) waa kuwo waaweyn, waxaadna u nugushahay finanka (acne).
4. Maqaarka isku-dhafka ah (Combination Skin)
Kani waa nooca ugu caansan. Waxaad isku arki kartaa in qaybta T-Zone (Foodda, Sanka, iyo Garka) ay dufan tahay, halka dhabannada ay qallalan yihiin ama caadi yihiin.
5. Maqaarka xasaasiyada ah (Sensitive Skin)
Haddii wejigaagu si fudud u guduuto (redness), ama uu ku cuncuno, ama aad gubasho ka dareento markaad mariso kareemada caadiga ah, waxaad leedahay maqaar xasaasiyada u nugul
Maxaa xal ah nooc kasta?
Oily: Isticmaal kareemada leh biyaha (water-based) iyo kuwa aan lahayn saliid (oil-free).
Dry: Isticmaal kareemada leh saliidaha dabiiciga ah.
Sensitive: Ka fogow kareemada leh carafta badan (fragrance) ama kiimikada adag.

