Dad badan ayaa caado u leh inay bariiska soo haray dib u kululeeyaan maalinta xigta, balse haddii aan loo kaydin si sax ah, waxay horseedi kartaa xanuun daran oo dhanka caloosha ah oo loo yaqaan “Bacillus cereus“. Dhibaatadu ma aha kululeynta lafteeda, ee waa sida bariiska loo tacaalo ka hor intaan dib loo kululayn.
1. Bakteeriyada “Bacillus cereus”
Bariiska cayriin waxaa badanaa ku jira dhibco (spores) ay leedahay bakteeriyada Bacillus cereus. Bakteeriyadan waxay u adkaysan kartaa kuleylka biyaha lagu karkarinayo bariiska.
Maxaa dhaca? Haddii bariiska la kariyey looga tago heerkulka qolka (room temperature) muddo saacado ah, dhibcyahaas waxay isku beddelaan bakteeriyo firfircoon oo soo saarta sun (toxins).
Khatarta: Suntaas ma dhimato xitaa haddii aad bariiska dib u kululeyso ilaa uu ka gubado.
2. “Fried Rice Syndrome” (Xanuunka Bariiska)
Xanuunkan wuxuu yimaadaa 1 ilaa 5 saacadood ka dib marka la cuno bariiskii sunta lahaa. Calaamadaha waxaa ka mid ah:
□ Lalabo iyo matag daran.
□ Shuban iyo calool xanuun.
□ Daal iyo tabar-dari.
3. Ciladda Kaydinta Khaldan
Dadka qaar waxay bariiska dheriga ku dhex daayaan habeenkii oo dhan iyagoo is leh subaxii ayaan diirrinaynaa. Tani waa meesha ay bakteeriyadu ku taranto. Sidoo kale, in bariis badan oo is-buuxiya lagu rido talaagada isagoo kulul waxay keenaysaa in bartamaha bariisku uusan qaboobin muddo dheer, taasna ay fursad siiso jeermiska.
Sidee loo badbaadiyaa Bariiska soo haray?
Haddii aad rabto inaad bariiska dib u kululeyso, raac tallaabooyinkan:
Si degdeg ah u qabooji: Marka bariiska la karsado, ha uga tegin miiska in ka badan 1 saac. Haddii uusan dhammaanayn, si degdeg ah u rido talaagada.
U qaybi weelal yaryar: Si uu bariisku si siman u qaboobo, u qaybi dhowr weel oo gacmeed ah halkii aad dheri weyn ku ridi lahayd talaagada.
Hal mar kaliya dib u kuleyli: Ha kululeyn bariiska in ka badan hal jeer. Haddii aad mar kale diiriso oo uu soo haro, iska tuur.
Kuleyl sarreeya: Markaad dib u kululeynayso, hubi inuu bariisku aad u kululaado (Steam hot) meel kasta, adigoo walaaqaya si kuleylku u gaaro dhammaan qaybaha.
Dr Waahin Sabriye
Whatsapp Number +252615963796

