Ma La Dhibtoonaysaa Calool-Fadhi Joogto Ah? Sirta Caafimaadku Soo Ogaaday Ee Isla Markiiba Kaa Bixinaysa Dhibatada
Calool-fadhiga ama calool-istaagga joogtada ah waa dhibaato caafimaad oo taabata malaayiin dad ah oo ku nool daafaha dunida.
Waxay dhacdaa markii dheefshiidku uu gaabiyo ama saxaradu ku dhagto mindhicirka sare iyo kan hoose, taas oo keenta xanuun iyo dibiro.
Cilmi-baarisyada caafimaad ee ugu dambeeyay waxay muujinayaan in dhibaatadan ay salka ku hayso hab-nololeedka, nafaqaynta, iyo shaqada hab-dhiska neerfaha ee maamula mindhicirrada.
Mararka qaarkood, calool-fadhigu ma aha bartilmaameed xanuun oo kaliya, balse waa calaamad muujinaysa in jirku u baahan yahay isbeddel iyo daryeel gaar ah.
Khatarta ugu weyn ee ka dhalata calool-fadhiga joogtada ah ayaa ah biyaha oo ku yaraada mindhicirka.
Marka jirku waayo biyo ku filan, mindhicirka hoose (colon) wuxuu dib u nuugaa biyaha unugyada ku jira si uu u ilaaliyo dheellitirka dareeraha jirka.
Tani waxay keenaysaa in saxaradu noqoto mid aad u adag oo ay dhib noqoto in ay dibadda u soo baxdo.
Dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan in qofka dhibaatadan qabaa uu cabbo ugu yaraan 2 illaa 3 litir oo biyo ah maalintii, gaar ahaan marka uu ka soo kaco hurdada.
Biyaha oo lagu bilaabo subaxdii waxay kiciyaan dheefshiidka waxayna fududeeyaan socodka saxarada.
Mid ka mid ah siraha ugu waaweyn ee caafimaadku heshay waa fibers-ka (Faybarta) ama cuntooyinka qobka leh.
Fibers-ku waxay caawiyaan in saxaradu noqoto mid jilicsan oo miisaan leh.
Cuntooyinka qobka leh iyo cunista khudaarta waxay dhiirrigeliyaan shaqada mindhicirka. Waxaa habboon in faybarka loo cuno qaab tartiib-tartiib ah si looga hortago inuu keeno dibirada iyo aariyo caloosha ah
Ka sokow cuntada, dhaqdhaqaaqa jirku wuxuu door toos ah ka ciyaaraa dardargelinta dheefshiidka.
Fadhiga badan iyo jimicis la’aantu waxay keenaan in caloosha iyo mindhicirraddu ay yeeshaan dhaqdhaqaaq gaabis ah (peristalsis).
Socodka 20-30 daqiiqo oo joogto ah maalintii, orodka, ama jimicsiga fudud waxay kiciyaan socodka dhiigga dheefshiidka, taas oo caawisa in saxaradu u soo baxdk banaanka si fudud.
Cadaadiska dhanka maanka ama walwalka (Stress) wuxuu leeyahay saameyn toos ah oo daran sababtoo ah xiriirka wayn ayaa ka dhexeeya maskaxda iyo mindhicirrada (Brain-Gut Axis).
Marka uu qofku walwalo, jirku wuxuu soo daayaa hormoonka cortisol iyo adrenaline, kuwaas oo dib u dhiga ama joojiya shaqada dheefshiidka si unugyada dhiigga loogu leexiyo muruqyada waaweyn.
Hababka nasashada sida inaa seexato hurdada ku filan waxay si muuqata u hagaajiyaan hab-dhiska neerfaha ee maamula dheefshiidka, iyadoo yareyneysa stresska iyo xanuunada mindhicirada.
Qaadashada Magnesium-ka, gaar ahaan Magnesium Citrate, waa macdan caan ku ah in ay biyaha u soo jiitto mindhicirka si ay saxaradu u jillocdo. Dhanka kale, isticmaalka badan ee dawooyinka xanuun-baabi’iyaha ah, kalsiyamta dheeraadka ah, ama birta (iron supplements) waxay keeni karaan calool-fadhi daran.
Waa muhiim in la hubiyo dhammaan supplements-ka ama dawooyinka uu qofku qaadanayo si looga hortago saameyntooda negative-ka ah.
Si kastaba ha ahaatee, calool-fadhigu haddii uu yahay mid socda waqti dheer ama uu la socdo calaamado keeni kara khatar, waa in la raadiyaa daryeel degdeg ah.
Calamooyinka muhiimka ah waxaa ka mid ah:
1. Dhiig ku jira saxarada ama saxaro madow oo kale.
2. Xanuun daran oo caloosha ah oo aan tagayn.
3. Miisaanka oo si dhakhso ah u dhaca.
4. Calool-fadhi subaxdii si dhakhso ah u bilaabma oo la socda lallabo iyo matag.
Ugu dambeyntii, Marka la joogteeyo cabista biyaha, la kordhiyo faybarta cuntada qaniga ku ah, la jimicsado maalin kasta, lana maareeyo stress-ka, jirku wuxuu dib u helaa shaqadiisii dabiiciga ahayd.
