Si aad u ogaato haddii qofku leeyahay “Waxyaabo postive ah” ama uu ku habboon yahay noloshaada, uma baahnid inaad sugto sanado. Waxaad adeegsan kartaa su’aalo cilmi-nafsiga ku dhisnaan oo muujinaya dabeecadda dhabta ah ee qofka iyo sida uu u fekero.
1. “Sidee ahaa xiriirkaagii ugu dambeeyay?”
Tani waa su’aasha ugu muhiimsan ee lagu ogaado mas’uuliyad-qaadashada qofka.
Positive mind: Haddii uu yiraahdo “Labadayaduba waan khaldannay, wax badanna waan ka bartay”.
Negative mind: Haddii uu yiraahdo “Gabadhaas/Wiilkaas wuxuu ahaa qof waalan, anigu waxba ma samayn”. Qofka qof kasta oo kale ku sifeeya “Waalan” badanaa isaga ayaa ah isha dhibaatada.
2. “Maxay yihiin wxayaabaha (Boundaries) aadan marnaba ka tanaasulin?”
Su’aashan waxay ku tusaysaa qofka inta ay le’eg tahay is-aqoonsigiisa iyo haddii uu ixtiraami karo xuduudaha dadka kale.
Faa’iidada: Haddii qofku uusan lahayn wax xuduud ah, waxaa laga yaabaa inuu yahay qof “dadka raalligeliya” (People pleaser), ama haddii uu dhibsado su’aasha, waxaa laga yaabaa inuu yahay qof raba inuu dadka xukumo.
3. “Maxaa samaysaa marka aad xanaaqsan tahay?”
Xanaaqu waa marka ay soo baxdo dabeecadda dhabta ah ee bini-aadamka.
Maxaad raadinaysaa? MA aamustaa (Silent treatment)? Ma qaylisaa? Mise wuxuu u baahan yahay meel uu ku soo dego? Ogaanshaha habka uu u xaliyo cadhada waxay kuu badbaadinaysaa dhibaatooyin badan oo mustaqbalka ah.
4. “Maxaa qabsatay oo shaqo ama horumar ah?”
Tani waxay kuu sheegaysaa waxa uu qofku qiimeeyo (Values).
Macnaha: Haddii uu ku faano lacag ama muuqaal kaliya, qofkaas waa mid siriq ah (superficial). Haddii uu ku faano inuu qof caawiyey, inuu wax bartay, ama inuu dhib adag ka soo gudbay, wuxuu leeyahay qiyam qoto dheer.
5. “Sidee u aragtaa doorka lammaanuhu ku leeyahay guusha qofka kale?”
Su’aashan waxay fure u tahay in la ogaado haddii uu qofku yahay “Taageere” ama “Dagaal Ooge”.
Positive: Haddii uu aaminsan yahay in guushu tahay mid la wadaago oo lays dhiirrigeliyo.
Negative: Haddii uu u arko in lammaanuhu uu yahay qof guriga jooga oo kaliya ama uu ka hinaaso horumarka dadka kale.

