- 5 Shay oo Si Aamusan u Dila Bacrimintaada Adigoon Dareemin iyo Xalka Dabiiciga Ah!”
Waalidnimadu waa mid ka mid ah hadiyadaha ugu qaalisan nolosha, balse lamaanayaal badan ayaa maanta la tacaalaya dhibaatooyin xagga uur-qaadista ah. In kasta oo dad badani ay u malaynayaan in dhibaatadu ay u badan tahay dhanka dumarka, xaqiiqadu waxay tahay in 30-40% kiisaska dib-u-dhaca uurka ay ka yimaadaan dhanka raga.
1. Maxaa saameeya Bacriminta Dumarka?
Bacriminta dumarku waxay ku xiran tahay isku-dheelitirka hormoonnada iyo caafimaadka ugxan-sidaha.
PCOS (Cilladaha Ugxan-sidaha): Waa cilad hormoon oo keenta in ugxantu aysan si joogto ah u soo bixin. Waxay inta badan la xiriirtaa iska caabinta insulin-ta.
Caafimaadka Tubooyinka (Fallopian Tubes): Haddii tubooyinku xiran yihiin, shahwada iyo ugxantu ma kulmi karaan.
Da’da: Bacriminta dumarku waxay bilawdaa inay hoos u dhacdo wixii ka dambeeya 35 sano, maadaama tirada iyo tayada ugxantu ay yaraato.
2. Maxaa saameeya Bacriminta Ragga?
Tayada shahwada waa furaha koowaad ee uur-qaadista.
Heerka kulka: Xubinta taranka ee ninka waxay u baahan tahay heerkul ka hooseeya kan jirka. Isticmaalka joogtada ah ee biyo kulul ama laptop-ka oo dhabta la saaro waxay daciifisaa shahwada.
Varicocele: Waa bararka xididdada dhiigga ee xubinta taranka, taas oo keenta in dhiiggu ku ururo, heerkulka xiniinyahana kor u kaco waxaana loo yaqaanaa Gale
Dabeecadaha Nololeed: Cabista maandooriyaha iyo buurida xad-dhaafka ah waxay hoos u dhigaan dhaqdhaqaaqa shahwada (motility).
3. Sida dabiiciga ah ee loo kordhiyo fursadda uurka
Fahamka xilliga Ugxan-siinta (Ovulation): Waa 12-24 saac oo kaliya bishii marka ay ugxantu soo baxdo. Aqoonsiga xilligan (badanaa bartamaha wareegga caadada) waa muhiim.
Folic Acid: Dumarka qorsheynaya uurka waa inay qaataan Folic Acid si looga hortago dib-u-dhaca dhalmada iyo kor loogu qaado tayada ugxanta.
Cuntada: Cunista khudaarta waxay faa’iido weyn u leeyihiin labada dhinacba.
4. Miisaanka iyo Stress-ka
Miisaanka aadka u yar ama aadka u weyn wuxuu khalkhal geliyaa hormoonnada. Sidoo kale, walwalka joogtada ah wuxuu maskaxda u diraa calaamad oranaysa “Hadda ma ahan waqti ku habboon taran,” taas oo joojin karta soo bixista ugxanta ama hoos u dhigi karta awoodda galmo ee ninka.
Gunaanad: Caafimaadka taranku ma ahan wax laga xishoodo, waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nolosha bini’aadamka.


1 Comment
othmanabdulqaderabdullah@gmail.com