Haddii aad Maalintii Hurdada ka Kacdo Adigoo Daallan, Waxaad Luminaysaa 10 Sano oo Cimrigaaga ah”
Ma ogtahay in dadka badankoodu ay u haystaan in hurdadu tahay uun “nasasho“, laakiin dhab ahaantii ay tahay hab-dhismeedka kaliya ee maskaxdaadu isku dhaqdo?
Maxaan ugu baraarugsaneen Arrintaan?
“Dhaqidda” Maskaxda: Markaad seexato, maskaxdaadu waxay furtaa nidaamka loo yaqaan Glymphatic System. Waa sida gaari kuwa qashinka qaada ah oo maskaxda ka nadiifiya sunta loo yaqaan Beta-amyloid oo keenta cudurka xusuusta tirtira ee (Alzheimer’s). Hurdo xun micnaheedu waa maskax wasakhaysan!
Gaajada Farsamada ah: Haddii aadan helin hurdo waqti dheer ah (Deep Sleep), jirkaaga waxaa ku yaraada hormoonka Leptin (kaas oo kuu sheega inaad dharagsan tahay) waxaana kordha Ghrelin (kaas oo ku yiraahda wax cun). Dadka aaminsan inay buurnida dhaxal ahaan u aheleen, badanaa waa uun dad aan si fiican u seedan oo hormoinka Ghrelin ayaaa ku batay taas ayaa keenaysa inay mar kasta wax cunaan
Awoodda Qalbiga: Hal habeen oo kaliya oo aad seexato wax ka yar 5 saacadood waxay hoos u dhigtaa unugyada difaaca jirka (Natural Killer Cells) ilaa 70%. Taas macnaheedu waa inaad albaabka u furtay kansarka iyo wadne xanuunka adigoon ogayn.
Maxaa hadda la iska indha tirayaa?
Dhaqankeena casriga ah wuxuu ammaanayaa qofka soo jeeda ee shaqeeya (“Hustle Culture”), laakiin cilmi-baaristu waxay leedahay: Hurdadu maahan raaxo, waa qasab haddii aad rabto inaad si qurux badan oo dagan u noolaato.

