Facebook Twitter Instagram
    Trending
    • Haddii Aad Aragto 3-dan Calaamadood, Beerkaagu Wuxuu Kaa Codsanayaa Inaad u Gargaarto… Caawi  Intaanay Xaaladdu Xumaan
    • Ma Rumaysan Doontid Waxa Dhacaya Marka Aad Joojiso Isticmaalkeeda Afurka Kadib
    • Markaad Ogaato Faa’iidadeeda, marnaba Kama Saari Doontid Gurigaaga.
    • 9 Qalad ee Ugu Waaweyn ee Dadku Sameeyaan Bisha Ramadaan
    • Jooji Hadda! 4 Cunto oo u Muuqda Kuwa Caafimaad Qaba Balse ah ‘Sun’ u Daran Wadnahaaga.
    • Cuntooyinka kaa caawinaya inaadan gaajon ilaa 4-ta galabnimo.
    • 10 Sir oo ku Saabsan Nolosha Muslimka oo Dunidu Hadda La Yaabban Tahay”
    • Sunta Macaan ee Aad Maalin Kasta Liqdo”
    Facebook Twitter LinkedIn
    Website ka ugu weyn oo laga hadlo arimaha caafimaadka, arimaha bulshada, cilmi nafsiga & koriinshaha caruurta
    Leaderboard Ad
    • Home
    • CAAFIMAADKA
    • CILMI NAFSIGA
    • KORIINSHAHA CARRUURTA
    • FAHAMKA ISLAAMKA
    Website ka ugu weyn oo laga hadlo arimaha caafimaadka, arimaha bulshada, cilmi nafsiga & koriinshaha caruurta
    You are at:Home»FAHAMKA ISLAAMKA»10 Qof oo Allah u caroodo (Iska ilaali inaad ka mid noqoto).

    10 Qof oo Allah u caroodo (Iska ilaali inaad ka mid noqoto).

    0
    By Dr Waahin Sabriye on January 24, 2026 FAHAMKA ISLAAMKA

    10 Qof oo Allah u caroodo (Iska ilaali inaad ka mid noqoto).

    Xusuusinta dadka waxyaabaha keenaya carada Alle (SWT) waa mid ka mid ah tilmaamaha qofka Muslimka ah inuu ka taxadaro ay waajibka tahay. Carada Alle ma aha mid la fududaysan karo, waayo waxay horseedaa barako la’aan adduunka ah iyo ciqaab aakhira.

    1. Qofka Shariig u yeela Alle

    Tani waa dambiga ugu weyn ee uusan Alle cafiyin haddii aan laga toobad keenin. In cid kale la caabudo ama la rumeeyo inay awood leedahay iyadoo lala barbar dhigayo Alle.

    2. Qofka Waalidkiis Caasiya

    Carada Alle waxay ku jirtaa carada waalidka. Qofka dhibsada, caaya, ama dayaca waalidkiis wuxuu mudanayaa caro degdeg ah oo adduunka kaga bilaabata.

    3. Qofka Dadka Isku Dir (Namiim)

    Qofka hadalka u kala qaada dadka si uu isugu diro ama u dhex dhigo colaad. Nabigu (NNKH) wuxuu sheegay in qofkaas uusan jannada gelayn, carada Allena ay dusha ka saaran tahay.

    4. Qofka isla Kibirsan (Is-weyneeya)

    Alle wuxuu u caroodaa qofka is-weyneeya ee dadka kale quudhsada. Kibirku waa sifo uu Alle iska leeyahay (Al-Mutakabbir), qofkii isku daya inuu kula tartamana wuxuu mudanayaa caradiisa.

    5. Qofka Dadka Dulmiya

    Hadday ahaan lahayd in hantidooda la dhaco, in lagu xad-gudbo sharaftooda, ama in la dhibo dadka daciifka ah. Ducada qofka la dulmiyay iyo Alle uma dhexeyso wax xijaab ah hore ayuu ka aqbalaa

    6. Qofka Agoonta Xoolahooda Cuna

    Alle wuxuu si adag ugu hanjabay dadka cuna hantida agoonta. Waa mid ka mid ah dambiyada burburka keena ee carada Alle lagu kasbado.

    7. Qofka Sinada Sameeya

    Gaar ahaan kuwa ku faana ama u bareera dambigan weyn. Sinadu waxay keentaa in barakadu ka tagto qofka, Allena uu u caroodo.

    8. Qofka Beenta ku Dhaarta 

    Gaar ahaan marka loogu dhaaranaayo si loogu dhaco hanti qof kale leeyahay. Dhaartani waxay qofka dhaxalsiisaa carada Alle iyo naar labadaba

    9. Qofka Ribada Cuna

    Alle iyo Rasuulkiisu waxay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah qofka ribada ku shaqaysta. Dagaalka Allena waa mid aan laga guulaysan karin.

    10. Qofka u bareera Dambiga 

    Qofka dambiga sameeya isagoo og, haddana dadka kale u sheega ama ku faana (la jahra). Alle wuxuu u naxariisataa kuwa dambiga qariya ee toobad keena, laakiin wuxuu u caroodaa kuwa ku faana ee aan ka xishoon dambiga

     

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Dr Waahin Sabriye
    • Website

    Related Posts

    Ma Rumaysan Doontid Waxa Dhacaya Marka Aad Joojiso Isticmaalkeeda Afurka Kadib

    9 Qalad ee Ugu Waaweyn ee Dadku Sameeyaan Bisha Ramadaan

    Cuntooyinka kaa caawinaya inaadan gaajon ilaa 4-ta galabnimo.

    Leave A Reply Cancel Reply

    • Popular
    • Recent
    • Top Reviews
    January 10, 2026

    24 Saac Kadib! Maxaa Ku Dhacaya Jirkaaga Haddii Aad Joojiso Sonkorta? (Layaabka Qarniga)

    January 10, 2026

    4 Caado ee Habeenkii aad Samayso oo Burburinaya Maskaxdaada iyo Hormoonnadaada adiga oo aan Ogayn”

    January 24, 2026

    Ha Cabin Biyaha Waqtiyadan: Waa khatar

    March 4, 2026

    Haddii Aad Aragto 3-dan Calaamadood, Beerkaagu Wuxuu Kaa Codsanayaa Inaad u Gargaarto… Caawi  Intaanay Xaaladdu Xumaan

    March 4, 2026

    Ma Rumaysan Doontid Waxa Dhacaya Marka Aad Joojiso Isticmaalkeeda Afurka Kadib

    March 1, 2026

    Markaad Ogaato Faa’iidadeeda, marnaba Kama Saari Doontid Gurigaaga.

    Latest Reviews
    Copyright © 2026 Dabiib. Developed by Finalskills.
    • Home
    • CAAFIMAADKA
    • CILMI NAFSIGA

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.