4 WAQTI OO AY MAMNUUC TAHAY INAAD CUNTO!🍌🚫
Moosku waa “Superfood“, laakiin haddii aad waqti khaldan cunto ama aad ku darto waxyaabo aan ku habboonayn, wuxuu kuu horseedi karaa dhibaatooyin caafimaad oo halis ah. Halkan ka baro goorta ay tahay inaad mooska ka fogaato:
1. Habeenkii (Cadowga Hargabka)
Haddii aad qabto hargab, qufac, ama aad tahay qof neeftu ku dhagto (Asthma), ha cunin mooska wixii ka dambeeya 6-da makhribnimo.
Sababta: Moosku wuxuu kordhiyaa Xabka (Mucus) ee gudaha sanbabada iyo dhuunta. Haddii aad habeenkii xilli dambe cunto, wuxuu kugu kicinayaa xasaasiyadda, neef-mareenkana wuu kuu xirayaa.
2. Baahida (Subaxdii Hore)
Dad badan ayaa mooska u cuna quraac ahaan, laakiin cilmi-baaristu waxay leedahay taasi ma ahan wax sax ah
Sababta: Moosku wuxuu qani ku yahay Magnesium iyo Potassium. Marka calooshaadu faaruq tahay, macdantaas waxay si toos ah u galaan dhiigga, waxayna carqaladeeyaan dheelitirka macdanta wadnahaaga. Waxaad dareemi kartaa daal iyo wadna-garaac muddo kooban ka dib.
Xalka: Mooska ku dar boorash (Oats) ama lowska si aad u dheelitirto aashitada ku jirta isaga
3. Haddii aad qabto Kelyo Xanuun (Kidney Issues)
Qofka kelyaha ka xanuunsanaya ama sifayn (Dialysis) ku jira waa inuu aad isaga ilaaliyo mooska.
Sababta: Mooska waxaa ku jira Potassium aad u badan. Kelyaha daciifka ah ma awoodaan inay potassium-ka dheeriga ah ka saaraan dhiigga, taas oo keeni karta in wadnuhu si lama filaan ah u istaago.
4. Isku-darka Mooska iyo Miraha qaarkood
Weligaa ha isku darin Mooska iyo Liin-macaanta ama Cinabka.
Sababta: Isku-darka miraha macaan (Mooska) iyo miraha aashitada leh (Liinta) waxay keentaa in caloosha dhexdeeda ay ku dhashaan sun iyo gaas, waxayna carqaladeeyaan dheefshiidka carruurta iyo dadka waaweynba.

