Qaar Ka Mid Ah Cabitaanada Ugu Muhiimsan Faa’iidada Leh in La Cabbo Hurdada Kahor:
1. Caanaha ( Milk)
Tani waa mid ka mid ah cabitaannada ugu caansan ee lagu dejiyo neerfaha laguna xoojiyo difaaca jirka.
Waxa Cabaysaa: Caano diiran, in yar oo huruudda qoyan ah (Turmeric) ah, iyo malab.
Faa’iidada: Waxay caawisaa in jirku dabco, caajisla iyo daalkana hoos ayay u dhigtaa.
2. Shaaha Aan Caleen Lahayn
Waa cabitaan dabiici ah oo aan lahayn wax caleen, kafeyn ma qaxwo ah
Faa’iidada: Waxa cabaysa biyo kulul, sanjabiil iyo qarfo iyo heyl la isku kariyay sababtoo ah waxaa ku jira maaddo maskaxda dejisa, una sahlaysa qofka inuu hurdo raaxo ah galo.
3. Biyaha Liin Dhanaanta iyo Malabka
Haddii aad rabto inaad nadiifiso caloosha ama aad miisaanka wax ka qabato:
Waxa ku jira: Koob biyo diirran ah, nus liin dhanaan ah, iyo qaado malab ah isku cabaysaa
Faa’iidada: Waxay caawisaa dheefshiidka waxayna nadiifisaa sunta jirka (Detox).
4. Cabitaanka Toonta iyo Malabka
In kasta oo ay dhib badan tahay dhadhankeeda, haddana dad badan ayaa u isticmaala caafimaadka wadnaha iyo hargabka.
Talo Muhiim ah:
Waqtiga: Cab ugu yaraan 30 ilaa 60 daqiiqo kahor inta aadan sariirta tegin si aadan ugu baahan inay kaadi u kavdo saacadaha hore ee hurdada.
Sonkorta: Iska ilaali inaad sonkor badan ku darto, waayo sonkortu waxay ku siinaysaa tamar ka hortagaysa hurdada raaxada leh


1 Comment
qdziwvfxpqfylmrjrfunvngjnliktm