Ha cunin cuntadan haddii aad rabto in aad is caatayso
Haddii aad rabto inaad ilaaliso miisaankaaga ama iska riddo baruurta badan, waxaa muhiim ah inaad iska yarayso ama iska deysid cunnooyinka ay ku badan yihiin sonkorta, dufanka, iyo carbohydrates-ka
1. Cabitaannada Sonkorta Leh
Cabitaannada sida Soddada (Soft drinks), cabitaannada tamarta (energy drinks), iyo cabitaanada warshadaysan waxay leeyihiin sonkor aad u badan. Sonkortu waxay kor u qaaddaa hormoonka Insulin, kaas oo jirka ku khasba inuu kaydiyo baruur.
2. Cuntada Saliidda Badan Lagu Shiilay
Cunnooyinka sida Baradhada shiilan (French fries), Samosada, iyo Kalluunka ama digaagga la shiilay waxay leeyihiin kaloori (calories) aad u sarreeya. Saliidda la karkariyey waxay jirka ku kordhisaa baruur dhib weyn ku ah caafimaadka wadnaha iyo miisaanka.
3. Rootiga iyo Baastada
Cunnooyinka laga sameeyo burka (refined flour) waxay isu bedelaan sonkor waliba si aad u dhakhso badan. Haddii aadan samayn jimicsi xooggan, sonkortaas waxay isu beddeshaa baruur caloosha fariisata.
4. Macmacaanka iyo Buskudka
Keega, buskudka, iyo nacnaca waxay isku daraan sonkor iyo dufan. Isku-darkaas wuxuu keenaa in qofku uusan dhergin oo uu rabo inuu wax badan cuno (cravings).
5. Cuntooyinka Warshadaysan (Processed Foods)
Cunnooyinka qasacadaysan ama kuwa diyaarka ah ee lagu iibiyo dukaamada badiyaa waxaa lagu darbaa cusbo (sodium) badan oo keenta in jirku baruur fariisato, taasoo miisaanka kor u qaadda.
Maxaad ku beddeli kartaa?
Khudaarta: Noocyada kala duwan khudaarta.
Borotiinka: Sida ukunta, digaagga, iyo kalluunka.
Biyo: Cab biyo badan halkii aad cabbi lahayd cabitaan sonkor leh.

